Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 months ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay si diirran u soo dhoweynaysaa ku dhawaaqista heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Dowladda Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyadoo u aragta tallaabo muhiim ah, kana tarjumaysa dadaal wax-ku-ool ah oo lagu dejinayo xiisadaha, laguna ilaalinayo nabadda iyo amniga heer gobol iyo heer caalami.

Soomaaliya waxay ku bogaadinaysaa Dowladda Maraykanka doorkeeda hoggaamineed ee ku aaddan dhiirrigelinta is-xakamayn iyo wadahadal, Waxay sidoo kale bogaadinaysaa doorka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ee taageeridda waddo diblomaasiyadeed oo horseedi karta is-afgarad iyo xasillooni waarta.

Related posts

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026

Soomaaliya waxay si gaar ah u muujinaysaa qaddarin qoto dheer oo ay u hayso Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Jamhuuriyadda Turkiga, iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, dadaalladoodii wax-ku-oolka ahaa ee dhexdhexaadinta, kuwaas oo si muuqata uga qeyb qaatay isu soo dhowaanshaha dhinacyada iyo hirgelinta heshiiskan.

Iyadoo Soomaaliya ay si dhow ula xiriirto xasilloonida Badda Cas iyo guud ahaan gobolka Khaliijka, waxay adkaynaysaa muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo hirgeliyo loona ixtiraamo heshiiska xabbad-joojinta, waxayna ku baaqaysaa in la sii wado wadahadallo joogto ah, oo miro-dhal ah si loo gaaro xal waara,

Amniga marinnada badda iyo joogtaynta socodka aan kala go’a lahayn ee ganacsiga caalamiga ahi waxay weli laf-dhabar u yihiin xasilloonida gobolka iyo adkeysiga dhaqaalaha caalamka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale dib u xaqiijinaysaa mowqifkeeda mabda’a ku dhisan ee ku aaddan xallinta khilaafaadka si nabadeed, ixtiraamka madax-bannaanida dowladaha, iyo doorka udub-dhexaadka u ah ee diblomaasiyaddu ku leedahay wax ka qabashada qalalaasaha caalamiga ah. Soomaaliya waxay sidoo kale adkaynaysaa muhiimadda ay leedahay in si buuxda loogu hoggaansamo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay, gaar ahaan xallinta khilaafaadka iyadoo la adeegsanayo hannaan nabadeed.

Xabbad-joojintan waa in aan loo arkin gunaanad, balse loo arkaa saldhig muhiim ah oo gogol u ah dhismaha nabad waarta oo ku qotonta wadahadal, is-ixtiraam, iyo masuuliyad wadajir ah.

Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay taageerto dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo nabadda, lagu dhimayo xiisadaha, laguna horumarinayo xasilloonida gobolka.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay shir wadatashi qaran oo ku saabsan...

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026
0

Maamulka Dekedda Muqdisho, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo ay weheliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dr. Cali...

Soomaaliya oo  Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

July 26, 2026
0

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

July 26, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In