Saturday, May 28, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa ka Doodaya in Ciidamada UK ay ka qaybqaataan Duqeynta Siiriya

December 2, 2015
in Wararka
0
Baarlamaanka Ingiriiska ayaa ka Doodaya in Ciidamada UK  ay ka qaybqaataan Duqeynta Siiriya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa dood ka yeelanaya codsiga ka yimid Raysalwasaare David Cameron oo soo jeediyey in la ansixiyo in ciidamada Britain ay ka qeyb qaataan la dagaalanka ISIS ee dalka Siiriya.
Qorshaha Cameron ayaa daba socda weeraradii bishii hore ka dhacay magaalada Paris, isagoo sheegay in loo baahan yahay in UK ay ka qeyb qaadato la dagaalanka kooxda ISIS ee dalka Siiriya, isagoo sheegay inuu gacan siin doono xulafadooda Maraykanka iyo Faransiiska.
David Cameron ayaa sheegay in hawlgalkan uu ku ekaan doono duqeynta dhanka cirka oo ay diyaaradaha UK la beegsan doonaan xarumaha ISIS ee Siiriya, isagoo meesha ka saaray in wax ciidamo ah dowladiisa u diri doonto Siiriya.
Hase yeeshee inta badan shacabka dalka Ingiriiska ayaa kasoo horjeeda in wadankooda uu ku biiro dalalka ka qeyb qaadanaya dagaalka ka socda dalka Siiriya, iyagoo sheegay in UK ay horey ugu fashilantay weeraradii duulaankii lagu qaaday Afghanistan, Ciraaq iyo Liibiya.

Kumanaan shacab ah ayaa xalay banaanbax ka dhigay bartamaha magaalada London iyagoo socod ku hormaray xarunta xisbiga talada haya, shacabkaasi ayaa ku baaqayey in UK aysan faraha la gelin dagaalka ka socda Siiriya.

Related posts

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Tadamun

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Tadamun

May 28, 2022
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

May 28, 2022

Hogaamiyaha mucaaridka UK ee xisbiga Labour party, Mr. Jeremy Corbyn oo isagu sheegay inuu kasoo horjeedo qorshah xukuumada Cameron, balse wuxuu sheegay inuusan xildhibaanada xisbigiisa ka hor istaagi doonini inay codkooda ku taageeraan ansixinta qorshaha xukuumada, arrintan ayaa u muuqata mid uu Mr.Corbyn uga fogaanayo xiisad ka dhex dhalata xisbigiisa oo qaar kamid ah taageersan yihiin la dagaalanka ISIS ee Siiriya.

Previous Post

Puntland iyo Galmudug oo heshiis nabadeed ku gaaray Gaalkacyo- SAWIRRO

Next Post

Qaramada Middoobey oo ka digtey Dhaqdhaqaaqa ISIL-KA Liibiya

Next Post
Qaramada Middoobey oo ka  digtey Dhaqdhaqaaqa ISIL-KA Liibiya

Qaramada Middoobey oo ka digtey Dhaqdhaqaaqa ISIL-KA Liibiya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Tadamun

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Tadamun

May 28, 2022
0

Wafdi ka socda Hay'adda Wadaniga ah ee Tadamun oo ka shaqaysa arrimaha bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Howlaha Gargaarka iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

May 28, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Qatar u...

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo la kulmay Danjire Kate Foster

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo la kulmay Danjire Kate Foster

May 28, 2022
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la...

Ergayga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaarah oo kulan la qaatay James Swen

Ergayga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaarah oo kulan la qaatay James Swen

May 28, 2022
0

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In