Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka JFS oo Cod Aqlibiyad leh ku Ansixiyeen heshiiska Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Baarlamaanka JFS oo Cod Aqlibiyad leh ku Ansixiyeen heshiiska Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda isugu yeeray Xildhibaannada Labada Aqal.

Kulanka marka uu furmay waxaa Mooshin soo gudbiyay xildhibaano gaaraya 110, iyagoo dalbaday in ajandaha wax ka bedel lagu sameeyo isla-markaana fadhi caadi ah uu qabsoomo, waxaana ay mudanayaasha labada golle si wadar ogol ah ugu codeeyeen soojeedinta Xildhibaanada ah in ajandaha kulanka wax laga badalo.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Madaxweynaha oo la hadlay mudanayaasha Labada Aqal ayaa ka warbixiyay xaalada guud ee dalka iyo guulaha ay dowladu ku talaabsatay, ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay Heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga. Heshiiskan ayaa Madaxweynaha Xildhibaannada labada aqal u sheegay in uu ka hortag u yahay xaalufinta kheyraadka badda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Khudbada Madaxweynaha ka dib, mudanayaasha Labada Aqal guda galeen kulanka caadiga ah ee labada aqal, ayaa waxaa Xildhibaannadda uga warbixiyay Heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga Wasiirka difaaca dalka Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jamac) ayaa Xildhibaannada u sheegay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay ilaalinta, midnimada iyo wadajirka ee Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa si wadajir u ansixiyeen heshiiska difaaca ee labada dowladood, waxaana ogolaaday, 213 mudane, waxaa nadiiday 3 Xildhibaan, wax ka aamusay ma jiraan. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in heshiiskan uu ansax yahay.

Wasiirka Wasaradda Difaaca Dalka Mudane Cabdiqadir Maxamed Nuur (Jaamac) uga mahadceliyay ansixinta heshiiskan, ayaa ku tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hooyatay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoona xusay inuu  muhiim u yahay difaaca badda Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in heshiiskan maanta laga bilaabo uu sharci yahay.

Previous Post

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey heshiis taariikhi ah oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Turkiga

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo faah-faahiyay heshiiska ay ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo faah-faahiyay heshiiska ay ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo faah-faahiyay heshiiska ay ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In