Saturday, July 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey heshiis taariikhi ah oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Turkiga

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey heshiis taariikhi ah oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay heshiis taariikhi ah oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shir guddoomiyay kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha, ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed – isaga oo ka hadlay ahmiyadda heshiiskani u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Related posts

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

July 25, 2026
Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026

“Heshiiskani waa mid masiiri ah oo dhaxalgal, waa go’aan Soomaaliya u jeexaya waddo cusub oo aan horey u suurtoobin, waa go’aan Soomaaliya ka saaraya madi-nimadii iyo walaal la’aantii, waa go’aan Soomaaliya u sameynaya saaxiib dhab ah oo ay caalamka ku yeelato”.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in heshiiskani uu soo afjarayo in baddeenna iyo waxa ku jira looga baqo argagixiso, burcad badeed, kalluumeysi sharci darro ah, sun lagu shubo, xadgudub iyo halis kaga timaadda dibedda.

“Heshiiskani waxa uu dhisaya, tababarayaa, isla markaana qalabeynayaa ciidankeenna badda, si ay ula wareegaan difaaca baddeenna. Heshiiskani waxa uu kordhinayaa wax soo saarka baddeenna iyo dhaqaalaha buluugga ah”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga isgarab taaggooda xilliyo muhiim ah oo ay Soomaaliya soo martay iyo maanta oo lagu soo xadgudbay Qarannimada dalka.

Previous Post

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo u fariisatay dacwada nin ku eedaysan inow gubay Xaaskiisa

Next Post

Baarlamaanka JFS oo Cod Aqlibiyad leh ku Ansixiyeen heshiiska Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga

Next Post
Baarlamaanka JFS oo Cod Aqlibiyad leh ku Ansixiyeen heshiiska Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga

Baarlamaanka JFS oo Cod Aqlibiyad leh ku Ansixiyeen heshiiska Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

July 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga qalinjabiyay Akadeemiyadda Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha...

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026
0

Wafdi uu Hoggaaninayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa socdaal ku maraya deegaano iyo...

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

July 24, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In