Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka JFS oo Cod Aqlibiyad leh ku Ansixiyeen heshiiska Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
February 21, 2024
in Wararka
0
Baarlamaanka JFS oo Cod Aqlibiyad leh ku Ansixiyeen heshiiska Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda isugu yeeray Xildhibaannada Labada Aqal.

Kulanka marka uu furmay waxaa Mooshin soo gudbiyay xildhibaano gaaraya 110, iyagoo dalbaday in ajandaha wax ka bedel lagu sameeyo isla-markaana fadhi caadi ah uu qabsoomo, waxaana ay mudanayaasha labada golle si wadar ogol ah ugu codeeyeen soojeedinta Xildhibaanada ah in ajandaha kulanka wax laga badalo.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Madaxweynaha oo la hadlay mudanayaasha Labada Aqal ayaa ka warbixiyay xaalada guud ee dalka iyo guulaha ay dowladu ku talaabsatay, ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay Heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga. Heshiiskan ayaa Madaxweynaha Xildhibaannada labada aqal u sheegay in uu ka hortag u yahay xaalufinta kheyraadka badda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Khudbada Madaxweynaha ka dib, mudanayaasha Labada Aqal guda galeen kulanka caadiga ah ee labada aqal, ayaa waxaa Xildhibaannadda uga warbixiyay Heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga Wasiirka difaaca dalka Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jamac) ayaa Xildhibaannada u sheegay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay ilaalinta, midnimada iyo wadajirka ee Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa si wadajir u ansixiyeen heshiiska difaaca ee labada dowladood, waxaana ogolaaday, 213 mudane, waxaa nadiiday 3 Xildhibaan, wax ka aamusay ma jiraan. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in heshiiskan uu ansax yahay.

Wasiirka Wasaradda Difaaca Dalka Mudane Cabdiqadir Maxamed Nuur (Jaamac) uga mahadceliyay ansixinta heshiiskan, ayaa ku tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hooyatay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoona xusay inuu  muhiim u yahay difaaca badda Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in heshiiskan maanta laga bilaabo uu sharci yahay.








Previous Post

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey heshiis taariikhi ah oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Turkiga

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo faah-faahiyay heshiiska ay ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo faah-faahiyay heshiiska ay ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo faah-faahiyay heshiiska ay ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In