Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka JFS oo dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka Qaranka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Baarlamaanka JFS oo dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 15-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ajandihiisu ahaa;

1)Dhaarin Xildhibaan (Ilyaas Sheekh Axmed)
2)Dhameystirka Ka doodista Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.                                      3)Ka doodista Akhrinta 2aad ee Hindise sharciyeedka Korantada.
4)Qeybinta Warbixinta Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka 11aad.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la yeelatay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la yeelatay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Turkiga

July 12, 2026
Wasiir Fiqi oo ka tacsiyadeeyay geerida Wariye Maxamed Diiriye Dhakat

Wasiir Fiqi oo ka tacsiyadeeyay geerida Wariye Maxamed Diiriye Dhakat

July 12, 2026

Habdhowraha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Xil. Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) Ayaa dhaariyay Xildhabaan Ilyaas Sheekh Axmed Oo deegaan doorashadiisu tahay Galmudug.

Intaasi kadib xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa sii waday dhameystirka Ka doodista Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.Xildhibaanada,ayaa intooda badan doododa ku saleysnaayay toosin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaan.

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku- xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga Ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya<span;>, Xil. Nuur Axmed Diiriye “Nuur Afeey” iyo qaar kamid ah xubnaha gudiga, Ayaa umahadceliyay xildhibaanada aygoona ku Ammaanay xildhibaanada dooda adag ee ka yeesheen sharcigaan, soo jeedintooda iyo turxaan bixintooda ku aadan sharcigaan.

Intaasi kadib Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shir guddoominayay kulanka, ayaa guddiga faray in ay soo diyaariyaan Akhrinta 3aad ee Hindisa Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Ayagoona ka duulaya talooyinka iyo qodabada ay dul istaageen xildhibaanada muddo labo maalin Ahna ay ku keenaan Akhrinta 3aad ee Hindisa Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

Intaasi kadib Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xil. Abdillahi Abdi Mohamed (Geelqaad)Ayaa xildhibaanada ka hor Aqriyay hindise sharciyeedka korantada oo uu guddigu soo diyaariyay Asigoona sheegay in sharcigaan uu yahay sharci Arimo bulsho muuhiimna uu uyahay dalka iyo dadka soomaliyeed waxa uuna ka codsaday xildhibaanada in ay Ansixiyaan si sharcigaan uu udhaqangalo.

Intaasi kadib xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa dood adag ka yeeshay sharcigaan xildhibaanada,ayaa intooda badan doododa ku saleysneeyd toosin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaan.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow Ayaa soo xiray kulanka maanta Asigoona sheegay in Guddiga ay soo diyaariyaan Akhrinta 3aad Hindise sharciyeedka Korantada Ayna ku soo daraan soo jeedinta Xildhibaanada maalinta isniintana ay keenaan sharcigaan.

Previous Post

Speaker of the Somali Parliament meets UNSOM Political Affairs officer

Next Post

War Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Dib u heshiisiinta koonfur Galbeed Soomaaliya

Next Post
War Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Dib u heshiisiinta koonfur Galbeed Soomaaliya

War Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Dib u heshiisiinta koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la yeelatay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la yeelatay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Turkiga

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS, H.E. Amb. Marwo Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Islamabad ee dalka...

Wasiir Fiqi oo ka tacsiyadeeyay geerida Wariye Maxamed Diiriye Dhakat

Wasiir Fiqi oo ka tacsiyadeeyay geerida Wariye Maxamed Diiriye Dhakat

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelladii, qaraabadii,Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo shaacisay shaqsiyaad ku eedaysan ku xadgudub dareyska Ciidanka Qaranka

Wasaaradda Gaashaandhigga oo shaacisay shaqsiyaad ku eedaysan ku xadgudub dareyska Ciidanka Qaranka

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhammaan shakhsiyaadkii ku lugta lahaa falkii lagu xadgudbay dareyska Ciidanka Xoogga...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la qaadatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan la qaadatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Pakistan

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E. Amb. Marwo Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, ayaa kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In