Sunday, June 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo akhrinta 3aad mariyay hindise sharciyeedka maalgeshiga shiyeeye

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Baarlamaanka oo akhrinta 3aad mariyay hindise sharciyeedka maalgeshiga shiyeeye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Maalgashiga shisheeye waxaa Golaha Shacabka dib ugu soo celiyey guddiga Ganacsiga iyo Warshadaha ee Baarlamaanka oo iyagu sharcigan kusoo kordhiyey talooyinhka soo jeedinta Xildhibaannadu sameeyeen intii lagu jiray ka doodista sharcigan oo aheyd akhrinta 2aad.

Guddoomiyaha guddiga Ganacsiga iyo Warshadaha ee Baarlamaanka Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac Xuseen oo ka hadlay kulanka Baarlamaanka ayaa xusay in shircigan uu baahi weyn u qabo dalka, isla markaana uu gacanta Golaha Baarlamaanka ku jiray mudo badan sidaasi darteedna uu Xildhibaannada ka codsanayo in la meel mariyo.

Related posts

Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Qarannimada Soomaaliya

Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Qarannimada Soomaaliya

June 28, 2026
Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

June 28, 2026

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xasan Aadan oo isna ka hadlay kulanka Baarlamaanka ayaa u xaqiijiyey Xildhibaannada baahida sharcigan ay Wasaaraddu u qabto iyo mashruucyada uga xaniban dalka jiritaanka sharcigan, waxaana uu dhankiisa magaca Wasaaradda uga codsaday Baarlamaanka in la ansixiyo Hindise Sharciyeedka Maalgashiga Shisheeye.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo shir guddoominayey kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa gebagebadii shirka u sheegay Xildhibaannada in sharcigan aanay jirin dood dambe oo laga gelayo, waxa u harayna ay tahay in loo codeeyo.

Hindise Sharciyeedka Maalgashiga Shisheeye ee dalka oo hada u gudbay marxaladihii ugu dambeeyey ayaa codeyntiisu waxa ay noqon doontaa Seddex maalmood kadib sida ku cad qodobka 50aad ee Xeer Hoosaadka Baarlamaanka.

Previous Post

Qoxooti Soomaaliyeed oo dib uga soo laabtay Xirada Dhadhaab

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Qarannimada Soomaaliya

Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Qarannimada Soomaaliya

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Wafdi heer sare ah oo ka socday Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka qayb galay shirkii...

Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan laba geesood ah...

Taliye Mahad Salaad oo kulamo kala duwan la yeeshay Bulshada Cabudwaaq

Taliye Mahad Salaad oo kulamo kala duwan la yeeshay Bulshada Cabudwaaq

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, oo gaaray magaalada Caabudwaaq, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Saldhigga Ballidoogle

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Saldhigga Ballidoogle

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga, ayaa maanta booqasho...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In