Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo lacag ugu deeqay soo celinta Qaxootiga Yemen

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Baarlamaanka oo lacag ugu deeqay soo celinta Qaxootiga Yemen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku go’aamiyeen lacag uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu deeqay dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen.

Kulankan oo ahaa shirka 55aad ee Guddiga Joogtada ah waxaa shir guddoominayey ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayadoo gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad uu goobjoog ahaa waxaana shirka kasoo qeybgalay gudoomiyeyaasha guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Inkastoo ajandayaasha Guddiga Joogtada kulankooda horyaalay ay aad u badnaayeen hadana waxaa ajandaha ugu horeeyey laga dhigay islamarkaana waqti badan la geliyey xaalada ay ku sugan yihiin qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen iyo sidii dib loogu soo celin lahaa Dalkooda ayadoo warbixin arintaasi la xiriirtana laga dhageystay Gudoomiyaha guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Mudane C/qaadir Cosoble Cali oo isagu kulanka keenay warbixin guddigooda uu arintan kasoo diyaariyey.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in Guddiga Joogtada ah go’aamiyeen in Baarlamaanka ku deeqo lacag gaareysa 300,000$ (Seddex Boqol kun oo Doollar) dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen ayadoo lacagtanna laga jaray gunnada ama Mushaarka ay qaataan Xildhibaannada Baarlamaanka iyo howlwadeennada Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Gudoomiye Mahad Cabdalla  Cawad ayaa tilmaamay in Baarlamaanku la tashiyo kala sameynayo xaalada dib u dejinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen Xukuumadda, maamulka gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada dalka ka jira maadaama qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen

ku nool lagu qiyaasay 750,000 ruux waxaana uu sidoo kale baaq u dirya hay’adaha kale ee Dowladda,maamul goboleedyada iyo qurba joogta Soomaaliyeed oo uu ku booriyey iney ka qeyb qaataan sidii walaalahooda Soomaaliyeed loosoo celin lahaa islamarkaana dib u dejin loogu sameyn lahaa.

Fulinta arintan waxaa loo xilsaaray oo dabagal ku sameynaya guddiyada Arrimaha dibadda, arrimaha gudaha,xuquuqul insaanka iyo arrimaha bulshada ee Baarlamaanka,sidoo kalena kulankii guddiga Joogtada waxaa looga hadlay ajandayaasha ugu soo horeeya ee Kalfadhiga 6aad oo furmi doona todobaadka soo socda ayadoo si gaar ah looga hadlay ansixinta Shuruucda Hortebinta u leh Golaha Shacabka sida dib u eegista Dastuurka,Federaaleynta Dalka, Dimuqraadiyeynta dalka, Axsaabta siyaasadeed iyo Doorashooyinka.

Previous Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Istanbuul lagu soo dhaweeyay{SAWIRRO}

Next Post

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Ee Jimcaha Oo Looga Hadlayo Hantida Qaranka Iyo Ilaalinteeda

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Ee Jimcaha Oo Looga Hadlayo Hantida Qaranka Iyo Ilaalinteeda

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In