Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo lacag ugu deeqay soo celinta Qaxootiga Yemen

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 22, 2015
in Wararka
0
Baarlamaanka oo lacag ugu deeqay soo celinta Qaxootiga Yemen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku go’aamiyeen lacag uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu deeqay dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen.

Kulankan oo ahaa shirka 55aad ee Guddiga Joogtada ah waxaa shir guddoominayey ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayadoo gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad uu goobjoog ahaa waxaana shirka kasoo qeybgalay gudoomiyeyaasha guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Inkastoo ajandayaasha Guddiga Joogtada kulankooda horyaalay ay aad u badnaayeen hadana waxaa ajandaha ugu horeeyey laga dhigay islamarkaana waqti badan la geliyey xaalada ay ku sugan yihiin qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen iyo sidii dib loogu soo celin lahaa Dalkooda ayadoo warbixin arintaasi la xiriirtana laga dhageystay Gudoomiyaha guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Mudane C/qaadir Cosoble Cali oo isagu kulanka keenay warbixin guddigooda uu arintan kasoo diyaariyey.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in Guddiga Joogtada ah go’aamiyeen in Baarlamaanka ku deeqo lacag gaareysa 300,000$ (Seddex Boqol kun oo Doollar) dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen ayadoo lacagtanna laga jaray gunnada ama Mushaarka ay qaataan Xildhibaannada Baarlamaanka iyo howlwadeennada Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Gudoomiye Mahad Cabdalla  Cawad ayaa tilmaamay in Baarlamaanku la tashiyo kala sameynayo xaalada dib u dejinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen Xukuumadda, maamulka gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada dalka ka jira maadaama qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen

ku nool lagu qiyaasay 750,000 ruux waxaana uu sidoo kale baaq u dirya hay’adaha kale ee Dowladda,maamul goboleedyada iyo qurba joogta Soomaaliyeed oo uu ku booriyey iney ka qeyb qaataan sidii walaalahooda Soomaaliyeed loosoo celin lahaa islamarkaana dib u dejin loogu sameyn lahaa.

Fulinta arintan waxaa loo xilsaaray oo dabagal ku sameynaya guddiyada Arrimaha dibadda, arrimaha gudaha,xuquuqul insaanka iyo arrimaha bulshada ee Baarlamaanka,sidoo kalena kulankii guddiga Joogtada waxaa looga hadlay ajandayaasha ugu soo horeeya ee Kalfadhiga 6aad oo furmi doona todobaadka soo socda ayadoo si gaar ah looga hadlay ansixinta Shuruucda Hortebinta u leh Golaha Shacabka sida dib u eegista Dastuurka,Federaaleynta Dalka, Dimuqraadiyeynta dalka, Axsaabta siyaasadeed iyo Doorashooyinka.

Previous Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Istanbuul lagu soo dhaweeyay{SAWIRRO}

Next Post

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Ee Jimcaha Oo Looga Hadlayo Hantida Qaranka Iyo Ilaalinteeda

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Ee Jimcaha Oo Looga Hadlayo Hantida Qaranka Iyo Ilaalinteeda

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In