Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo laga codsaday inay codka kalsoonida ah siiyaan golaha Wasiirada cusub

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda iyo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa Barlamaanka Soomaaliyeed u soo jeediyey in ay golaha wasiirada ka gaaraan go’aan shacabka Soomaaliyeed ay ku farxaan oo ah in ay meel mariyaan xukuumadda cusub.

Bulshada Soomaaliyeed oo ka hadlayey aragtidooda ku aaddan in golaha wasiirrada cusub, ayaa sheegay in xilligan ay lagama maarmaan tahay in xukuumadda cusub ay hesho kalsoonida Barlamaanka, si ay dalka u gaarsiiyaan hiigsiga 2016-ka, waxa ayna cod dheer ugu baaqeen Xildhibaannada golaha shacabka Federaalka Soomaaliya in ay golaha wasiirrada ay ogollaadaan oo aysan gaarin go’aan shacabka Soomaaliyeed niyad jabin kara.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed, isla markaana ah Afhayeenka hey’adda Culimada Soomaaliyeed, ayaa walaac ka muujiyey haddii ay Barlamaanka Soomaaliya kalsoonida u diidaan golaha Wasiirrada waxa ka dhallan kara, waxa uuna ku baaqay in ay tanasul sameeyaan golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya.

“Haddii aan is ceshan weyno oo aan tashan wayno, waa inoo talin, waxyaabo aan hadda garaneyn oo Soomaali mustaqbalkeeda fog dhibaato ku keeni karta baa dhici karta, hiigsiga cusba oo aan sugeynayay in aan gaarno doorasho aysan dhicin, marka waxaan leeyahay kalsoonida shacabka, yaa la luminin” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

Qaar ka mid ah shacabka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa xusay in golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ay horyaalaan arrimo badan oo ay ugu horeyso hirgelinta Nidaamka Federaalka ah, dib u eegista dastuurka dalka iyo gaarsiinta dalka doorashooyin xor ah, iyadoo la meel marinayo hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka.

Shacabka waxa ay Baarlamaanka ka codsadeen in ay codka kalsoonida ah siiyaan golaha Wasiirada, maadaama Xildhibaanada ay wakiil ka yihiin shacabka Soomaaliyeed, ayna tixgeliyaan codsiga baarlamaanka uga imaanaya bulshada qeybaheeda kala duwan.
 

Previous Post

Baarlamaanka oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho

Next Post

Bulshada Rayidka ah oo soo dhaweysay la dagallanka musuqmaasuqa

Next Post
Bulshada Rayidka ah oo soo dhaweysay la dagallanka musuqmaasuqa

Bulshada Rayidka ah oo soo dhaweysay la dagallanka musuqmaasuqa

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In