Kulanka Barlamanaka federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa horyimid wasiirk arrimaha gudaha iyo Federalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odawa” si uu golaha warbixiyo uga siiyo isla markaana su’aalo looga waydiiyo dhismaha guddiyadda madax banan ee Doorashooy qaranka iyo xaduud-daha iyo federaalka.
labadan guddi oo ka kooban min 9 xubnood ayaa waxaa 7 bishii 5aad ee sandkaani meel mariyey golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya kadib markii ay soo magacowday wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha Gudaha iyo federaalka ayaa ugu ugu horayn waxaa uu gololaha shacabka Soomaaliyeed ugu warbiyey qaabka loo maray dhismaha gudiyaadaasi isagoona ka dalbaday in xildhibanaadda in ay ansixiyaan gudiyadan maadama ay yihiin kuwa muhiim u ah dalka.
C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay in wasaaraddu markii ay xuleysay gudiyada ay ka baafisay warbaahinta isla markaana ay u saareen gudi kala saara dhamaan dadkii araajida soo gudbiyay.
Mudanayaasha Barlamanka Soomaaliyeed ayaa intaa ka dib wasiirka arrimaha gudaha waxa ay waydiyeen su’aallo kala duwa oo ku daadan dhismaha gudiyadda doorashooyinka qaranka iyo kan xaduudaha iyo fedaraalka Soomaaliya .
Mudane Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odawa wasiirka arrimaha gudaha iyo Federalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa xildhibaanadda ugu jawaabay guud ahan su’aalihii ay waydiiyeen xildhibaanadda golaha shacabka .
Guddiyadda madax banan ee doorashoooyinka qaranka iyo xaduud-daha iyo federalka ayaa laf-dhabar u ah hirgalinta hiigsiga 2016 ka maadaama ay yihin kuwa qaabeeya doorashada lagu wado in ay la qabto marka uu dhamaado waqtiga dowladdan hadda jirta.
Kulanka ayaa waxaa soo xirey gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” isagoo kulanka maantana shir gudoominayay.