Kala fadhiga shanaad ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Ajandaha ay ka doodeen xildhibaanada ayaa haa miisaaniyadda Sanadka 2015,ka taas oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda.
ugu horeen34 mudane Baarlamaan ayaa su’aalo la xiriira miisaaniyadda sanadkaan weydiiyey Siihaya Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya, su’aalahaas oo u badnaa halka ay ku bexeen mushaaraadka ciidamada Qaranka iyo kan shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Soomaliya
Siihaya Wasiiru Dowlaha wasaaradda Maaliyda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka jawaabaya Su’aalaha xildhibaanada ayaa sheegay in meel wanaagsan ay ku bexeen mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo kan ciidamada qalabka sida, isagoo ka codsaday xildhibaanada in ay ansixiyaan miiyaasiyadda Dowladda ay ku shaqeydoonto sanadka 2015,ka si ay u sii socdaan howlaha Hay’adaha dowladda
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Jaylaani nuur iigar oo soo xiray kulanka Baarlamaanka ayaa sheegay in berri uu fasaxyahay kulanka Baarlamaanka, islamarkaana malinta Arbacada ah la guda gelidoono Ansixinta Miisaaniyadda Sanadka 2015,ka