Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo meel mariyay sharciga ilaalinta xuquuqda carruurta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudaneyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey heshiiska carruurta oo uu aqbalay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo dhanka kale mudaneyaal ka tirsan barlamaanka ay Mooshin ka dhan ah Xeer Ilaaliyaha Qaranka u gudbiyeen guddoonka.

Kalfadhiga shanaad kulankiisa 16-aad ee Baarlamaanka Federaalka ah oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana kulanka horyaalay labo ajande oo kala ah Akhrinta iyo ansixinta heshiiska carruurta oo uu aqbalay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 20-kii November sanadkii 1989-kii iyo Akhrinta labaad Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Haweenka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo sharcigan u gudbisay baarlamaanka, isla markaana kulanka ka hor akhrisay marxaladihii uu soo maray ayaa ka codsatay in ay ansixiyaan.

Dood dheer kaddib mudaneyaasha baarlamaanku waxa ay meel mariyeen shaciga ilaalinta Xuquuqda Carruurta, waxaana 140 mudane ay haa ogolaatay, halka mudane ka tirsan baarlamaanka uu ka aamusay, mana jirn cid diiday, sidaasina uu ku meel maray.

Intaas kaddib waxa ay mudanayashu gudaha galeen in ay talooyin ka dhiibtaan Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka ah, iyadoo ay jiraan Xildhibaanno soo jeediyay in la joojiyo hirgelinta Nidaamka Federaalka oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid wax u dhimaya aayaha Soomaaliya.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa ugu dambeyntii kulanka ka sheegay mooshin ay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ka soo gudbiyeen oo su’aalo lagu weydiinayo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Hanti dhowraha.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dowladda oo lagu amaanay meel marinta qorshe howleedka Qaran ee la dagaallanka xadgudubka “War-saxaafadeed”

Next Post

Dowladda oo lagu amaanay meel marinta qorshe howleedka Qaran ee la dagaallanka xadgudubka "War-saxaafadeed"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In