Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo ogolaaday codsiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Barlamaanka Somalia oo u codeeyey in sabtiga golaha wasiirrada la horkeeno
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha Shacabak ee magaalada Muqdisho ayaa ogolaaday codsiga Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ee ahaa in muddo toban cisho ah la siiyo si uu u soo dhameystiro golaha Wasiirada.

Shirka Baarlamaanka ee maanta oo uu shir guddoominayay Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ay soo xaadireen 230 Xildhibaan ayaa waxaa hortagay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, oo ka codsaday in uu soo dhameystirayo golaha Wasiirada oo uu gaarsiin doono 25 Wasiir, isla markaana inta ka dhiman Wasiirada uu soo dhameystiri doono.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sheegay in markii uu arkay xaaladda dalka uu ku jiro iyo in miisaaniyadda dowladda aanay ku saleysneyn Wasaaraddaha 20-ka uu soo magacaabay ay qasab noqotay inuu 10 cisho dalbado si uu Wasiirada, Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha ku soo dhameystiro.

Dood dheer kaddib mudanayaasha Baarlamaanka ayaa cod u qaaday codsiga Ra’iisul wasaaraha, waxaana ogolaatay 139 Xildhibaanad, halka 47 Xildhibaan ay diideen codsigaas, waxaana natiijada ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo mar kale sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu heysto 10 cisho dheeraad ah oo uu ku soo dhameystirayo Xukuumadiisa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa laga sugayaa in Wasiirada magacaaban ee 20-ka ah, uu gaarsiiyo 25, isla markaana uu soo magacaabayo Wasiir ku-xigeenka iyo Wasiiru-dowlayaasha Xukuumadda Soomaaliya muddada tobanka cisho ah ee uu haysto.

Previous Post

Madaxweyne Xasan”Dowladda Soomaaliya Horumar badan ayey ka samaysay Dhinaca Ammaanka dalka

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Somalia Thanks China for Continued Support and Strong Bilateral Cooperation

January 21, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, led by H.E. Abdisalam Ali ,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In