Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo xukuumadda dib ugu celiyay golaha adeega garsoorka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ayaa Xukuumadda dib ugu celiyay xubnaha golaha adeegga garsoorka, si loo soo dhameystiro, iyagoo dhankale ka dooday wax ka badal lagu sameynayo xeer hoosaadka baarlamaanka.

Kulanka baarlamaanka ee maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayna goob joog ka ahaayeen ku-xigeenada koowaad iyo labaad ee baarlamaanka ayaa kulankii maanta waxaa soo xaadiray 142 mudane.

Related posts

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026

Ajandayaasha kulankii maanta oo ay ku jirtay golaha adeega garsoorka ayaa mudanayaashii shirka ka hadlay waxa ay ka soo horjeesteen in ajandahaasi laga hadlo sababo oo ay ku sheegeen in sharciyan aysan dhameystirneyn golaha adeega garsoorka oo laga rabay inay noqdaan 9-xubnood, balse baarlamaanka la horgeeyay oo kaliya shan xubnood.

Dood dheer kadib Guddoomiyaha Baarlamnaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in ajandaha laga saaray golaha adeega garsoorka, isla markaana dib loogu celinayo Xukuumadda Soomaaliya, si ay u soo dhameystirto golaha adeega garsoorka.

Guddiga xeer hoosaadka, anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka ee Xildhibaanada oo qadarinaya habsami u socodka howlaha golaha shacabka waxa uu soo jeediyay in Qodobka 28aad Farqadiisa 1aad ee xeer hoosaadka oo u qorneyd sidan “Aqlabiyada tirada guud ee xubnaha golaha noqoneysa guntanka oo ah tirada kooramka 50+1,”

In loo qeexo sida soo socoto

  1. Haddiise dastuurka Federaalku ama xeer hoosaadka golaha shacabka si kale loogu xusin:
  2. Markii ay codeyn jirto guntanka golaha shacabka waxa uu ku ansaxayaa aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha golaha shacabka (50+1)
  3. Haddiise aan codeyn jirin guntanka (kooramka) waxa uu ku furmayaa (1/3) saddex meelood meel tirada guud ee xubnaha golaha shacabka.

Mudanayaasha ayaa ka dooday, iyadoo qaarkood ay soo jeediyeen in qodobkaasi aan waxba laga badalin, halka kuwa kale ay taageersanayeen wax ka badalka lagu sameynayo Qodobka 28aad farqadiisa 1aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka.

 

Previous Post

Wasiiro kormeer ku tegay xeryaha barakacayaasha ee Kismaayo

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHAB):-Qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, ayaa maanta kulamo kala duwan kula qaatay...

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba...

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In