Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid”sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka labaad ee aan caadiga aheyn ee Kalfadhiga Shannaad ee Barlamaanka Somaliya ee ay ku yeesheen xarunta golaha Shacabka ayaa ka koobnaa ayuu ajendihiisu ka koonbaa sided qodobo oo ay ugu muhiimsaneyd codka Kalsooni siinta Barlamaanka Somalia, waxaana ka soo qeyb-galay madaxweynaha Somalia oo Barlamaanka hor keenay Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmar’arke.

Guddoomiyaha golaha shacabka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa furay kalankaan aan caadiga aheyn,  isagoo Barlamaanka ka hor akhriyey farriinta Barlamaanka ee ku socota Ra’iisul wasaaraha Somalia haddii uu Codka Kasoonida ka helo Barlamaank, isagoo faah-faahiyey  tallooyinka iyo marxaladdaha la wajahayo ee la doonayo in ay isula jaan-qaadaan Xukuumadda la doo dhisi doono iyo Barlamnaanka Somalia.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Hadal jeedinta Guddoomiyaha Barlamaanka kaddib, Afhayeenka Barlamaanka ayaa ku soo dhoweeyey madaxweynaha madasha si uu Xildhbaannada golaha shacabka uga codsado in ay Codkooda Kalsoonida siyaan Ra’iisul wasaaraha, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kooban Barflamaanka ugu soo jeediyey sida ay muhiim dalka ugu tahay in la helo Ra’iisul wasaare hoggaamiya hey’adda fulinta ee dowladda sii ay u dhameystirto dhammaan howl-qabadka hor yaalla.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, ayaa isaga Barlamaanka Somalia ka hor hadlay oo ka codsaday in ay siiyaan Kalsoonidooda si uu dalka ugu soo dhiso Xukuumad awood u leh in Somalia ay ku guuleysato hiigsiga cusub ee 2016-ka.

Hadal soo jeedinta Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha kaddib,  Xildhibaannada Barlamaanka ayaa guda galay codka kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha Somalia, si uu qabto qodoboka 69-aad ee Destuurka Jamhuuriyadda Somalia, iyadoo codka uu ahaa gacan taag cod hal dheerti ah, barlamaanka oo ay xaadir ku ahaayeen 224 mudane ayaa waxaa codka Kalsoonida siiyey Ra’iisul wasaaraha 218, mudane ma jirin cid diiday ama ka aamustay, si uu natiijada uu ugu dhawaaqay guddoomiyaha Barlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jaewaari.

Ra’iisul wasaaraha Somaalia, ayaa isla manta lagu hor dhaariyey Barlamaanka oo guddoomiyaha Maxkamadda sarre ayaa u dhaariyey xildhiisa Ra’iisul wasaarinimo.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Cumar Cabdirashiid, ayaana Barlamaanka uga  mahadceliyey, una ballan-qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo dhisi doono Xukuumada kaddib wadatashiga shacabiga, sidoo kale Ra’iisul wasaaraha waxa u guud mar ku sameeyey qodobo ay diiradda saari doonto Xukuumaddiisa soo socota.

Kulanka  labaad ee aan caadiga aheyn, waxaa soo gabagabeeyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bilaabay Hambalyo uu u jeeidyey Ra’iisul wasaaraha cusub, waxa uu u mahaceliyey Barlamaanka Somalia sida ay u guteen waajibaadkooda Destuuriga ahi, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo la xiriira halka ay Somalia u socoto iyo sida ay muhiim u tahay in waqtiga looga faa’ideysto.

Sidaas ayuuna guddoomiyaha Barlamaanka ku soo gabagabeeyey kulankaasi aan caadiga aheyn, Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa loga fadhiyaa in uu soo dhiso Xukuumad amba qaadda howlaha la qabtay iyo kuwa dhiman oo ay ugu horreeyaan waxqabadashada Destuurka KMG, diyaarinta hannaan Dimoqoraadiyadeed oo doorashin hirgaliya sanadka 2016 iyo howlo kale, waana Ra’iisul wasaarihii saddaxaad ee dowladda Federaalka Somalia ee hadda jirto ay yeelato.

 DSC00022 DSC00032 DSC00033 DSC00034 DSC00053 DSC00064“sawi

Previous Post

Barlamaanka Soomaaliya oo codka kalsoonida ah siiyay Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke

Next Post

Barlamaanka Soomaaliya oo soo saaray qaraar ku saabsan xuquuqda carruurta

Next Post

Barlamaanka Soomaaliya oo soo saaray qaraar ku saabsan xuquuqda carruurta

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In