Monday, June 5, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid”sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 24, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka labaad ee aan caadiga aheyn ee Kalfadhiga Shannaad ee Barlamaanka Somaliya ee ay ku yeesheen xarunta golaha Shacabka ayaa ka koobnaa ayuu ajendihiisu ka koonbaa sided qodobo oo ay ugu muhiimsaneyd codka Kalsooni siinta Barlamaanka Somalia, waxaana ka soo qeyb-galay madaxweynaha Somalia oo Barlamaanka hor keenay Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmar’arke.

Guddoomiyaha golaha shacabka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa furay kalankaan aan caadiga aheyn,  isagoo Barlamaanka ka hor akhriyey farriinta Barlamaanka ee ku socota Ra’iisul wasaaraha Somalia haddii uu Codka Kasoonida ka helo Barlamaank, isagoo faah-faahiyey  tallooyinka iyo marxaladdaha la wajahayo ee la doonayo in ay isula jaan-qaadaan Xukuumadda la doo dhisi doono iyo Barlamnaanka Somalia.

Related posts

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

June 4, 2023
Shirweynaha Aragti wadaagga xakamaynta faafinta wararka been abuurka iyo saameynta ay bulshada ku leeyihiin oo la soo gabogabeeyay

Shirweynaha Aragti wadaagga xakamaynta faafinta wararka been abuurka iyo saameynta ay bulshada ku leeyihiin oo la soo gabogabeeyay

June 4, 2023

Hadal jeedinta Guddoomiyaha Barlamaanka kaddib, Afhayeenka Barlamaanka ayaa ku soo dhoweeyey madaxweynaha madasha si uu Xildhbaannada golaha shacabka uga codsado in ay Codkooda Kalsoonida siyaan Ra’iisul wasaaraha, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kooban Barflamaanka ugu soo jeediyey sida ay muhiim dalka ugu tahay in la helo Ra’iisul wasaare hoggaamiya hey’adda fulinta ee dowladda sii ay u dhameystirto dhammaan howl-qabadka hor yaalla.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, ayaa isaga Barlamaanka Somalia ka hor hadlay oo ka codsaday in ay siiyaan Kalsoonidooda si uu dalka ugu soo dhiso Xukuumad awood u leh in Somalia ay ku guuleysato hiigsiga cusub ee 2016-ka.

Hadal soo jeedinta Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha kaddib,  Xildhibaannada Barlamaanka ayaa guda galay codka kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha Somalia, si uu qabto qodoboka 69-aad ee Destuurka Jamhuuriyadda Somalia, iyadoo codka uu ahaa gacan taag cod hal dheerti ah, barlamaanka oo ay xaadir ku ahaayeen 224 mudane ayaa waxaa codka Kalsoonida siiyey Ra’iisul wasaaraha 218, mudane ma jirin cid diiday ama ka aamustay, si uu natiijada uu ugu dhawaaqay guddoomiyaha Barlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jaewaari.

Ra’iisul wasaaraha Somaalia, ayaa isla manta lagu hor dhaariyey Barlamaanka oo guddoomiyaha Maxkamadda sarre ayaa u dhaariyey xildhiisa Ra’iisul wasaarinimo.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Cumar Cabdirashiid, ayaana Barlamaanka uga  mahadceliyey, una ballan-qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo dhisi doono Xukuumada kaddib wadatashiga shacabiga, sidoo kale Ra’iisul wasaaraha waxa u guud mar ku sameeyey qodobo ay diiradda saari doonto Xukuumaddiisa soo socota.

Kulanka  labaad ee aan caadiga aheyn, waxaa soo gabagabeeyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bilaabay Hambalyo uu u jeeidyey Ra’iisul wasaaraha cusub, waxa uu u mahaceliyey Barlamaanka Somalia sida ay u guteen waajibaadkooda Destuuriga ahi, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo la xiriira halka ay Somalia u socoto iyo sida ay muhiim u tahay in waqtiga looga faa’ideysto.

Sidaas ayuuna guddoomiyaha Barlamaanka ku soo gabagabeeyey kulankaasi aan caadiga aheyn, Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa loga fadhiyaa in uu soo dhiso Xukuumad amba qaadda howlaha la qabtay iyo kuwa dhiman oo ay ugu horreeyaan waxqabadashada Destuurka KMG, diyaarinta hannaan Dimoqoraadiyadeed oo doorashin hirgaliya sanadka 2016 iyo howlo kale, waana Ra’iisul wasaarihii saddaxaad ee dowladda Federaalka Somalia ee hadda jirto ay yeelato.

 DSC00022 DSC00032 DSC00033 DSC00034 DSC00053 DSC00064“sawi

Previous Post

Barlamaanka Soomaaliya oo codka kalsoonida ah siiyay Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke

Next Post

Barlamaanka Soomaaliya oo soo saaray qaraar ku saabsan xuquuqda carruurta

Next Post

Barlamaanka Soomaaliya oo soo saaray qaraar ku saabsan xuquuqda carruurta

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

June 4, 2023
0

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magaalada Riyaadh ee dalka Boqortooyadda...

Shirweynaha Aragti wadaagga xakamaynta faafinta wararka been abuurka iyo saameynta ay bulshada ku leeyihiin oo la soo gabogabeeyay

Shirweynaha Aragti wadaagga xakamaynta faafinta wararka been abuurka iyo saameynta ay bulshada ku leeyihiin oo la soo gabogabeeyay

June 4, 2023
0

Shirweynahan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa intii uu socday waxaa la isku...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kormeeray qoysas ku soo barakacay duleedka Kismaayo “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kormeeray qoysas ku soo barakacay duleedka Kismaayo “SAWIRRO”

June 4, 2023
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay wehliyaan Wasiirka Gargaarka Jubbaland, Qaar ka mid ah Wasiirada...

Horumarinta adeegyada Caafimaadka Gobolka Banaadir oo laga shiray “SAWIRRO”

Horumarinta adeegyada Caafimaadka Gobolka Banaadir oo laga shiray “SAWIRRO”

June 4, 2023
0

Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir mudane Dr. Cabdiraxmaan Axmed  Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda International Medical...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In