Baarlamaanka Tunusia ayaa cod aqlabiyad ah maanta oo Arbaca ah ku ansixiyay Xukuumadda Cusub ee uu madaxda u yahay Hishaam Al Meshiishi, iyadoo rajo laga qabo in la soo afjaro billo wadankaasi ay ka jirtay xasillooni darro siyaasadeed, dhibaatooyin dhaqaale iyo mid bulsho.
134 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Tunusiya ayaa u codeeyay haa, halka 67 kalana ay dideen.
Khudbad uu Al Meshiishi u jeediyay Baarlamaanka, ayuu ku yiri: “Dhismaha Dowladdan wuxuu ku yimid iyadoo la tixgelinayo xasillooni darrada siyaasadeed ee dalka, dhibka ugu badana waxuu ku dacay shacabka waana waajib in aan xaaladaas ka saarno dalka”.
Al Mashiishi wuxuu caddeeyay muhiimada shaqada dowladdiisa, isaga oo sheegay in tallaabada kowaad ee ay qaban doonto ay tahay wax ka qabashada xaaladda dhaqaale iyo tan bulsho, joojinta dhiigbaxa dhaqaalaha dowladda, billaabida wada-hadalada deeq bixiyaasha, iyo billaabida Barnaamijyada dib u habeynta, oo ay ka mid yihiin dib u tayeynta hey’adaha dowladda.
In kasta oo Madaxweynuhu uu soo magacaabay al-Mashiishi si uu u noqdo R/wasaaraha Tunusiya, haddana siyaasiyiinta waxay sheegeen inuu ka tanaasulay fakirkisii hore ee siyaasadeed ee uu Xisbigiisa ka aaminsanaa R/wasaaraha uu dhawaan magacaabay.
Dadaallada Mashiishi uu ku soo dhisay Xukuumadan cusub ee maanta uu Baarlamaanka dalkaasi ansaxiyay ayaa noqoneeysa Xukuumaddii seddexaad tan iyo dhismaha Baarlamaanka Tunusiya markii la unkay bishii Oktoobar ee sannadkii hore.