Monday, April 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamanka oo ansixiyay qaraarka dib u eegista kharashaadka dowladda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Baarlamanka oo ansixiyay qaraarka dib u eegista kharashaadka dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu hordhaariyo wasiirro dhawaan la magacaabay iyadoo dhinaca kalena mudanayaashu ansixiyeen qaraarka dib u eegista kharashaadka dowladda.

Bilowgi kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa lagu hor dhaariyey Xildhibaannada Wasiirrada kala ah:- Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo horey u ahaa Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiyey dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga oo loo dhaariyey in uu noqdo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha  iyo Mudane Eng C/rashiid Maxamed Axmed oo loo dhaariyey in uu noqdo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Soomaaliya.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

Dhaarinta Wasiirradaasi kadib waxaa Xildhibaannada Baarlamaanku ay gudagaleen iney u codeeyaan qaraarka dib u eegista Kharashaadka Dowladda ee bilihii Janaayo ilaa May ee sanadkan 2015 kaasi oo uu soo diyaariyey Guddiga Maalliyadda,qorsheynta, miisaaniyadda iyo la xisaabtanka hay’daha dowladda waxaana qaraarkaasi ogolaaday 140 Xildhibaan ayadoo hal xildhibaanna uu diiday sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo shirka guddoominayey.

Dhinaca kale kulankii Baarlamaanka ee maanta waxaa Xildhibaannada loogu qeybiyey Mashruuc sharci oo ku saabsan ilaalinta Badqabka Dhulka iyo Xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  ayadoo sharciganna sameyntiisa ay ka dambeysay doodihii Baarlamaanka uu ka yeeshay Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo kenya.

Previous Post

R/wasaaraha oo guddi u magacaabay colaadda Gaalkacyo

Next Post

Kulan looga hadlayay ka hortagga xad gudubyada Gabdhaha oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Next Post
Kulan looga hadlayay ka hortagga xad gudubyada Gabdhaha oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Kulan looga hadlayay ka hortagga xad gudubyada Gabdhaha oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In