Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bakiga dhexe ee Soomaaliya oo sheegay in dhamaadka sanadkan la soo celinaayo hantidii hakadka la geliyay

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Bakiga dhexe ee Soomaaliya oo sheegay in dhamaadka sanadkan la soo celinaayo hantidii hakadka la geliyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bakiga dhexe ee Soomaaliya oo cuskanaya sharciga lambarkiisu yahay 130 ee 22/04/2012, soo baxay ayaa waxa uu Bankiga dhexe siinayaa mas’uuliyadda ah in uu maamulo deeqaha rasmiga ah ee Soomaaliya ay ka hesho caalamka, meelkasta oo ay tahay.

Kaddib markii la soo gabo gabeeyay heshiiskii Shulman Rogers ee 14/07/2014 ee uu la galay Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya taasoo ka dambeysay markii guddiga maamul wanaaga uu dabagal ku sameeyo hantida Soomaalida ee hakadka la geliyay.

Related posts

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026

Jawaabta rasmi ah oo ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka bixisay arrintan ayaa ah in guddiga maamul wanaaga oo kaashanayaan hay’adaha UNODC iyo World bank, lacagaha leys daba mariyay, iyadoo hay’adahaasina ay ku sameyn doonaan dabagal, isla markaana ay xogta la wadaagi doonaan Madaxweynaha, baarlamaanka, Golaha Wasiirada iyo guddiga horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa kala hadlay Wasaaradda Maaliyadda si uu uga caawiyo, ilaalinta hantida Qaranka, iyadoo kooxdan ay maamuli doono, isla markaana uu hogaamin doono Bankiga dhexe ee Soomaaliya, waxayna ka koobnaan doonaan Wakiilo ka kala socda Bankiga dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Hadaba si loo taageero kooxdan, dabagalkooda ku aadan dib u soo celinta hantida hakadka ku jirta, waxay caawimaad dheeri ah ka helayaan STAR, iyagoo qaadaya tallaabo sharci ah oo loo marayo lacagaha hakadka ku jira.

Hay’adahan waxay sii wadi doonaan inay ka talo bixiyaan hanaanka loo marayo lacagaha la doonayo in dib loo soo celiyo.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay dadaal u galeysaa soo celinta macluumaadka la xiriiray Shulman Rogers, waxayna dowladda isku dayi doontaa inay wada shaqeyn dhaw la yeelato Golaha maamul wanaagga.

Kooxda Qaranka, Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Xafiisyada Madaxweynaha. Ra’iisul wasaaraha iyo guddiga talinta Bankiga dhexe, waxa ay si joogto ah u wadaagi doonaan macluumaadkan, sidoo kale nidaamkan waxaa lala wadaagi doonaa bulshada Soomaaliyeed, iyada oo loo marinayo Warbaahinta gudaha.

Ujeedka kooxdan waa in la soo celiyo nus kamid ah hantida hakadka ku jirta ee Soomaaliyeed dabayaaqada sanadkan 2015-ta.

DHAMAAD

 

Previous Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Al-Bashiir oo Shan sano kale loo dhaariyay

Next Post
Al-Bashiir oo Shan sano kale loo dhaariyay

Al-Bashiir oo Shan sano kale loo dhaariyay

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharcyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharcyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 19-aad, waxaana Shir guddoomiyey Guddoomiye kuxigeenka labaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In