Friday, August 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Banaadir Oo Kaalinta Labaad Soo Gashay Kala Horeynta Kooxaha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Banaadir Oo Kaalinta Labaad Soo Gashay Kala Horeynta Kooxaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn


Kooxaha kubada cagta Banaadir iyo Elman ayaa kuwada kulmay galabta garoonka banaadir ee degmada ca.casiis ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxaa laba gool la hormartay kooxda Elman labada gool ee Elman ayeey ka kala heshay Maxamuud Meyman iyo Anwar Shakunda qaybtii, Banaadir oo soo laabatay ayaa Sadex gool waxaa u saxiixay C/Qaadir Aadan Eenow oo dadka qaar ay u yaqaanan.
Elman oo isku dayday in ay goolkaasi ay soo gudo ayaa waxaa markale daba mareeyay weraryahanada banaadir waxaana ugu shubay elman Caadil Nuur Cali 4-2 ayaa lagu kala baxay galabta iyo garoonka banaadir waxaana kooxda banaadir ay u dhaqaaqday kaalinta labaad ee kala horeynta horyaalka Soomaaliya ayadoo ka faai,deysanayso kulanka u dhiman kooxda Horseed oo wali aanan ciyaarin kulankedii 13-aad ee horyaalka Kooxda Banaadir ayaa kaarka cas loo taagay C/Laahi konton kadib markii uu kaarka jaalaha horey uu u qaatay
Elman wali waxaa baaqi ay ku sii ahaan doonto kaalinta shanaad mana jirto sabab ay ku lumiso kaalintaasi waayo waxaa guuldaro la kulantay kooxda Jenyo ciyaarta waxaa laga saaray

DEKADDA DIB GUULAHA UGU SOO LAABATAY
Kooxda Kubada Cagta Dekada ayaa adkaatay kulan ka tirsan horyaalka Soomaaliya oo galabta ay la Ciyaartay kooxda Jenyo oo guuldaradii 6-aad ee Xili Ciyareedkan kala kulantay Dekada.
Jenyo ayaa ku adkeysay Dekada oo hogaanka u hayso horyaalka Soomaaliya qaybtii hore, hase yeeshe qaybtii danbe ayaa Dekada waxay heleen laba gool oo ay ugu mahad celinayaan Rymound iyo Feysal Xasan Xaashii oo kooxdiisa hore ee Jenyo Shabaqeeda soo taabtay sadex jeer laba kulan Sidaasi ayaa looga adkaaday kooxda Jenyo waana markii lixaad oo laga adkaado kooxda Jenyo Xili Ciyareedkan.
Lugtii hore oo ay soo wada ciyareen labadaan kooxod ayaa sidoo kale looga adkaaday Jenyo Natiijo la mid ahayd kulankii galabata waxaana looga soo adkaaday 2-0 lix dhibcood ayaa laga qaatay kooxda Jenyo labadii kulan oo ay la ciyaartay Dekadaha.
Jenyo waa kulankii labaad oo ay la kulmeyso guuldaro kadib markii kulankii kan ka horeyay guuldaro ay kala kulantay kooxda Gadidka halka kulankaan galabta ay garaacday kooxda Dekada.
Dekada waxay hogaanka ku qabatay Shan dhibcood oo nadiif ah Maadama kooxda kaalinta labaad kaga jirto kala horeynta Horyaalka Soomaaliya ee Horseed aysan wali Ciyaarin Kulankii 13-aad ee horyaalka oo Dekada iyo Jenyo ay Ciyareen.
Dekada waxay dib ugu Soo laabatay wadadii guusha kadib markii kulankii ugu danbeyay oo ay Ciyaartay Horyaalka Soomaaliya Guuldaro ay kala kulantay Kooxda Elman oo Joojisay Guuldaro la,aantii kooxda Dekada oo ku dhawaad 24 kulan aanan laga adkaan tan iyo horyaalkii hore guulo ay soo bilowday Dekada.
Jenyo Wax dhaqaaq ah ma sameyn wali waxaa ay ku jirtaa kaalinta lixaad ayadoo qaadatay guuldaradii lixaad 13-kulan, Kooxaha Madbacadda iyo Batroolka hadii ay soo adkaadan kulamada ay ciyaari doonan ayaa kooxda Dekada waxay u dhaadhici doonta kaalinta 8-aad ee kala horeynta horyaalka maadama Madbacadda hal dhibic oo quraa ay ka horeyso halka Batroolka ay ka horeyso laba dhibcood kaliya taasi ayaana ah dhibaatada ugu weyn ee haysato kooxda Jenyo waxaana ay ugu mahad celin lahayd Heegan iyo Waxool hadii ay ka adkaadan Batroolka iyo Madbacadda.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Xuska Sannad Guurada 58-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed+sawiro

Next Post

Maleeshiyaadka Al-shabaab oo Qarxiyay Dhalinyaro kubad ciyaarayey.

Next Post
Faah faahin ka soo baxaysa khasaare ka dhashey miino dad shacab ah kula qaraxday Buula-burte

Maleeshiyaadka Al-shabaab oo Qarxiyay Dhalinyaro kubad ciyaarayey.

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In