Monday, May 23, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Banaadir Oo Kaalinta Labaad Soo Gashay Kala Horeynta Kooxaha

April 12, 2018
in Ciyaaraha, Wararka
0
Banaadir Oo Kaalinta Labaad Soo Gashay Kala Horeynta Kooxaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn


Kooxaha kubada cagta Banaadir iyo Elman ayaa kuwada kulmay galabta garoonka banaadir ee degmada ca.casiis ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxaa laba gool la hormartay kooxda Elman labada gool ee Elman ayeey ka kala heshay Maxamuud Meyman iyo Anwar Shakunda qaybtii, Banaadir oo soo laabatay ayaa Sadex gool waxaa u saxiixay C/Qaadir Aadan Eenow oo dadka qaar ay u yaqaanan.
Elman oo isku dayday in ay goolkaasi ay soo gudo ayaa waxaa markale daba mareeyay weraryahanada banaadir waxaana ugu shubay elman Caadil Nuur Cali 4-2 ayaa lagu kala baxay galabta iyo garoonka banaadir waxaana kooxda banaadir ay u dhaqaaqday kaalinta labaad ee kala horeynta horyaalka Soomaaliya ayadoo ka faai,deysanayso kulanka u dhiman kooxda Horseed oo wali aanan ciyaarin kulankedii 13-aad ee horyaalka Kooxda Banaadir ayaa kaarka cas loo taagay C/Laahi konton kadib markii uu kaarka jaalaha horey uu u qaatay
Elman wali waxaa baaqi ay ku sii ahaan doonto kaalinta shanaad mana jirto sabab ay ku lumiso kaalintaasi waayo waxaa guuldaro la kulantay kooxda Jenyo ciyaarta waxaa laga saaray

DEKADDA DIB GUULAHA UGU SOO LAABATAY
Kooxda Kubada Cagta Dekada ayaa adkaatay kulan ka tirsan horyaalka Soomaaliya oo galabta ay la Ciyaartay kooxda Jenyo oo guuldaradii 6-aad ee Xili Ciyareedkan kala kulantay Dekada.
Jenyo ayaa ku adkeysay Dekada oo hogaanka u hayso horyaalka Soomaaliya qaybtii hore, hase yeeshe qaybtii danbe ayaa Dekada waxay heleen laba gool oo ay ugu mahad celinayaan Rymound iyo Feysal Xasan Xaashii oo kooxdiisa hore ee Jenyo Shabaqeeda soo taabtay sadex jeer laba kulan Sidaasi ayaa looga adkaaday kooxda Jenyo waana markii lixaad oo laga adkaado kooxda Jenyo Xili Ciyareedkan.
Lugtii hore oo ay soo wada ciyareen labadaan kooxod ayaa sidoo kale looga adkaaday Jenyo Natiijo la mid ahayd kulankii galabata waxaana looga soo adkaaday 2-0 lix dhibcood ayaa laga qaatay kooxda Jenyo labadii kulan oo ay la ciyaartay Dekadaha.
Jenyo waa kulankii labaad oo ay la kulmeyso guuldaro kadib markii kulankii kan ka horeyay guuldaro ay kala kulantay kooxda Gadidka halka kulankaan galabta ay garaacday kooxda Dekada.
Dekada waxay hogaanka ku qabatay Shan dhibcood oo nadiif ah Maadama kooxda kaalinta labaad kaga jirto kala horeynta Horyaalka Soomaaliya ee Horseed aysan wali Ciyaarin Kulankii 13-aad ee horyaalka oo Dekada iyo Jenyo ay Ciyareen.
Dekada waxay dib ugu Soo laabatay wadadii guusha kadib markii kulankii ugu danbeyay oo ay Ciyaartay Horyaalka Soomaaliya Guuldaro ay kala kulantay Kooxda Elman oo Joojisay Guuldaro la,aantii kooxda Dekada oo ku dhawaad 24 kulan aanan laga adkaan tan iyo horyaalkii hore guulo ay soo bilowday Dekada.
Jenyo Wax dhaqaaq ah ma sameyn wali waxaa ay ku jirtaa kaalinta lixaad ayadoo qaadatay guuldaradii lixaad 13-kulan, Kooxaha Madbacadda iyo Batroolka hadii ay soo adkaadan kulamada ay ciyaari doonan ayaa kooxda Dekada waxay u dhaadhici doonta kaalinta 8-aad ee kala horeynta horyaalka maadama Madbacadda hal dhibic oo quraa ay ka horeyso halka Batroolka ay ka horeyso laba dhibcood kaliya taasi ayaana ah dhibaatada ugu weyn ee haysato kooxda Jenyo waxaana ay ugu mahad celin lahayd Heegan iyo Waxool hadii ay ka adkaadan Batroolka iyo Madbacadda.

Related posts

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

May 23, 2022
Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

May 23, 2022

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Xuska Sannad Guurada 58-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed+sawiro

Next Post

Maleeshiyaadka Al-shabaab oo Qarxiyay Dhalinyaro kubad ciyaarayey.

Next Post
Faah faahin ka soo baxaysa khasaare ka dhashey miino dad shacab ah kula qaraxday Buula-burte

Maleeshiyaadka Al-shabaab oo Qarxiyay Dhalinyaro kubad ciyaarayey.

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digreeto uu soo saaray waxaa uu Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan...

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa Xarunta KMG ah maamulkaas ee Kismaayo ku qaabilay madaxa Hay’ada...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan “SAWIRRO”

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeeray deegaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  ugu Warbixiyay safarkiisi Madaxweynaha

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  ugu Warbixiyay safarkiisi Madaxweynaha

May 23, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In