Waxaa goor dhow Muqdisho ka bilowday dibad-bax ay dhigayaan dadweyne isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir oo muujiyay dareenkooda ku aadan hadal shalay Madaxweeynaha Doowlada fadarelka uu ka hor jeediay labada Aqal ee Baarlamaanka oo ah ahaab xubno matala gobolka Banaadir in lagu kordhiyo aqalka sare ee Baarlamaanka.
Dibad-baxyada ayaa haatan ka bilowday qeybo badan oo caasimada ka mid ah, sida taalada Daljirka Daahsoon iyo isgoyska KM4.
Dadka dhigaya dibad-baxa oo kala yimid dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa wata boorar lagu soo xardhay sawirrada Madaxweynaha Farmaajo iyo Gudoomiyaha Gobolka Cumarb Filish.
Ujeedka dibad-baxyadaan ayaa ah kuwa lagu taageerayo codsigii uu shalay madaxweeynaha Soomaliyauu ka hor jeediyey baarlamaanka ee ahaa in gobolka Banaadir uu metelaad ku yeesho Aqalka Sare.