Saturday, September 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO-Banaanbax looga soo horjeedo Sawir Gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH oo Muqdisho lagu qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
DAAWO-Banaanbax looga soo horjeedo Sawir Gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

10917916_10153004829247528_8439175493336102748_o
Isu soo baxaan oo ahaa mid balaaran isla markaana lagu muujinayay sida Bulshada Soomaaliyeeed ay uga soo horjeedo sawir gacmeeedyo lagu aflagaadeynayo Nabigeeena Muxumaxed ah {NNKH} oo uu daabacay Wargeys laga leeeyahay Dalka France ayaa manta lagu qabtay Xarunta jaamacada Somalia Ee Magaalada muqdisho waxaana Isu soo baxaas qaban qaabiyay maamulka iyo Ardada Jaamacada Somalia.

Dadka isu soo baxay oo u badnaa dhalinyaro ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqday Dareen Caro leh waxaana ay si wada jir ah Halku dhigyo ay arintaan uga soo horjeedaan ay ugu qaylinayeen iyagoo wata Boorar ay ku qoran yihiin Halku dhigyo.
Qaar ka mid ah Ardada jaamacada Somalia Ee isu soo baxay ayaa Dareeenkooda cabiray waxaana ay ugu baaqeen cid kasta oo ku guda jirta falkaan lagu aflagaadeynayo Nabigeena {NNKH}

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026
Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026

Qaar ka mid ah Culimada Soomalaiyeed oo si weyn Dalka looga yaqaano ayaa ka qayb qadanayay isu soo baxa Sheikh Abuukar xasan Maalin ayaana ka mid ahaa Iyadoo Culimadu ay si Qiiro leh uga hadleen Sawir gacmeeedyadaas lagu aflagaadeynayo Nabi Muxamed {NNKH} oo uu soo bandhigay Wargeys laga leeeyahay Dalka Fransiiska.

Dr Maxamed Xuseen Muumin oo ka mid ah mas,uuliyiin jaamacada Somalia Ee banan baxaan abaabulay ayaa ka hadlay Waxa Dadka Muslimiinta ah kala Gudboon Arintaan.

Sheikh Abuukar xasan Maalin oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeeed Ee Somalia aadka looga yaqaano ayaa waxaa uu Digniin u diray Dowladaha Reer Galbeeedka isagoo u soo jeediyay in hadii aysan arintaan jawaab ka bixin oo aan laga hortagin ay Dhibaato Muslimiinta uga imaata Wajihi doonaan waxaana uu dhamaan Bulshada Muslimiinta ah ugu baaqay in ay u midoobaan Difaaca Sharafta Nabi Muxamed {NNKH}

Wargeyska Sharle Habdo oo Fadhigiisu yahay Magaalada Paris Ee Dalka France ayaa dhawaan waxaa uu soo daabacay Kartono uu ku aflagaadeynayo Rasuululaah Muxamed NNKH waxaana Weerar ku qaaday Xaruntiisa Paris Rag Hubeysan oo Dilay ku dhawaad 20 Ruux oo Wariyayaashii ka shaqeynayay Wargeyskaas ka mid ah.

https://www.youtube.com/watch?v=JTglRIl0YxY

Previous Post

DAAWO-Wasiir Beyle oo dhigiisa dalka Cumaan ka helay casuumaad

Next Post

Maxamed Axmed Kuluc oo ku geeriyooday Hargaysa

Next Post
Maxamed Axmed Kuluc oo ku geeriyooday Hargaysa

Maxamed Axmed Kuluc oo ku geeriyooday Hargaysa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul...

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaas oo lagu...

Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo buuxiyay boosas banaanaa

Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo buuxiyay boosas banaanaa

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey laba xubnood oo buuxinaya boosaskii ka bannaanaa Guddiga Madaxa-bannaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In