Wednesday, September 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo beeniyay warar been abuur ah oo laga faafiyay Bankiyada dalka.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo beeniyay warar been abuur ah oo laga faafiyay Bankiyada dalka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kaddib markii maalmihii la soo dhaafay ay soo if baxeen warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada qaar, kuwaas oo la xiriira in qaar ka mid ah bangiyada dalka lagu soo rogi doono cuna qabateyn dhaqaale, ayaa arrintaas waxaa faah faahin dhammaystiran ka bixiyay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, kaas oo soo saaray Warsaxaafadeed uu arrintaas kaga hadlay.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo ah haayadda u xilsaaran Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya rukhsad bixinta iyo kormeeridda baananka gaarka loo leeyahay ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in aanay jirin wax cunaqabatay amba culays ah oo haysta  baananka ganacsi ee gaarka loo leeyahay ka jira dalka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026

Waa tan Wargelintii ka soo baxay Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo u qorneed sida tan:- Bankiga Dhexe ee Soomaaliya isaga oo ka duulaya warar been-abuur ah oo maalmihii u dambeeyay lagu baahiyay Baraha Bushada ee Soomaalida (Social Media), kuwaas oo looga beensheegayo Bankiyada dalka qaarkood, haddaba Bankiga Dhexe wuxuu guud ahaan dadweynaha iyo gaar ahaan macaamiisha bankiyada Soomaaliyeed u caddeynayaa.

  1. In Bangiga Dhexe yahay hay’adda u xilsaaran shati-siinta iyo korjoogteynta bankiyada dalka ka shaqeeya oo dhan.
  2. In aysan jirin wax dacwad ama eedayn ah oo laga soo gudbiyay bangi ka mid ah Bankiyada dalka.
  3. Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku boorrinayaa warbaahinta dalka iyo kuwa dibeddaba (gaar ahaan Baraha Bulshada), in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqaada ku salaysnayn. Wararka ku saabsan bankiyada iyo shirkadaha maaliyadda ee dalka waxaa laga soo xigan karaa ilaha rasmiga ah, sida Bankiga Dhexe ee Somalia.

Somalia ayaa sanadihii lasoo dhaafay ku tallaabsatay Horumar dhaqaale iyo mid ganacsi, kaas oo ay Hormuud ka yihiin Bangiyada iyo Shirkadaha waaweyn ee dalka, kuwaas oo shaqo abuur  iyo maalgalin ganacsi u sameeyey qeybo badan oo ka mid bulshada Soomaaliyeed, sida ganacsiga yaryar, kan dhexe iyo maalgalin heer shakhsi ah intaba.

Tags: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo beeniyay warar been abuur ah laga faafiyay bangiyada dalka.
Previous Post

Marwada 1 aad ee dalka iyo RW ku xigeenka oo la kulmay Madaxweyne Uganda +Sawirro

Next Post

Xubaha Cusub ee  Golaha Deegaanka Galkacyo Oo la Dhaariyay+Sawirro

Next Post
Xubaha Cusub ee  Golaha Deegaanka Galkacyo Oo la Dhaariyay+Sawirro

Xubaha Cusub ee  Golaha Deegaanka Galkacyo Oo la Dhaariyay+Sawirro

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026
0

Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

September 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaaan Wasiirada Gargaarka iyo Haweenka Koonfur Galbeed, ayaa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In