Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Maaliyadda: Bangiga horumarinta Afrika ayaa mashruucyo shaqa-abuur ah dalka ka billaabi doono

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Maaliyadda: Bangiga horumarinta Afrika ayaa mashruucyo shaqa-abuur ah dalka ka billaabi doono
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda JFS mudane Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan la bilaabayo mashruuc cusub oo uu maal galinayo Bangiga Horumarinta Africa isla markaana shaqooyin loogu abuurayo dhalinyarada waxbaratay iyo kuwa xirfadleeyda ah

Wasiirka ayaa sheegay in xiliyadii hore shaqo abuurka ay door muhiim ah ka qaadan jireen kaabayasha dhaqaalaha sida Beeraha, Xoolaha, iyo Kaluumaysiga, iyo Warshado faro badan,kuwaas oo hadii aan dib loo soo celin kaabayaashii dhaqaalaha oo bur buray ay adag tahay in la helo shaqo ku filan dhalinyarada”ayauu sii raaciyeyhadalkiisa.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026

Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in Wasaaradda Maaliyadu ay qaaday talaabooyinka si dhalinyaradu u helaan shaqooyin, isagoo caddeeyay in mudadii uu joogay Wasaaradda in uu ku guulaystay in Mushaar loo helo dhamaan shaqaalaha dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

“Waxaan heshiis la soo galnay oo soconaya mudo shan sano ah Bangiga aduunka, heshiiskaas ayaa ku qotoma in shaqaalaha dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada la siiyo mushaar joogta ah, waxaana jira shuruudo ku xiran bixinta mushaarkaas ilaa hadana dhanka dowladdu way ka soo baxday, maamuladda goboladuna waxay ku howlan yihiin sidii loo buuxin lahaa shuruudahaas ayuu yiri

Wasiirka Maaliyadda JFS Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti ayaa ku booriyey dhalinyarada iyo dadweynaha kale in ay dalkooda aaminan, kana waantoobaan tahriibka iyo dhibaatooyinka kale ee sababi kara in ay naftooda galiyaan halista.

Xigasho SONNA

Previous Post

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo marti ku ahaa barnaamijak kulanka todobaadka “Dhageyso”

Next Post

Dhalinyaro Al-shabaab ka soo goostay oo Shaqa-abuur loo sameeyay+SAWIRRO

Next Post
Dhalinyaro Al-shabaab ka soo goostay oo Shaqa-abuur loo sameeyay+SAWIRRO

Dhalinyaro Al-shabaab ka soo goostay oo Shaqa-abuur loo sameeyay+SAWIRRO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In