Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bankiga Adduunka Oo Bogaadiyay Hufnaanta Nidaamka Maaliyaddeed ee dalka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Bankiga Adduunka Oo Bogaadiyay Hufnaanta Nidaamka Maaliyaddeed ee dalka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, November 10, 2015——Bankiga adduunka ayaa bogaadiyay isla markaana ammaanay horumarka iyo hufnaanta Nidaamka maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib kulan ballaaran oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka, waxaana sidoo kale kulanka joogay khubaro iyo saraakiil sare sare oo ka socotay Bankiga adduunka (World Bank).

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Kulankan ayaa lagu soo bandhigay warbixin uu diyaariyay Bankiga adduunka taasoo cabireysay nidaaamka maaliyadda dalka, waxaana lagu xusay in saddexdii sano ee ugu dambeysay Soomaaliya ay gaartay horumar baaxad leh oo dhanka amniga, dib u dhiska, iyo hagaajinta hay’addaha ku shaqada leh maaliyadda, waxaana lagu xusay in loo baahan yahay sharciyo loo dejiyo nidaamka dhaqaalaha guud ahaan dalka, si loo helo maalgelin shisheeye iyo tayeynta nidaamka ganacsiga dalka iyo shirkaddaha gaarka loo leeyahay oo haatan ku shaqeeya xaalad adag.

Bella Bird oo ah u qeybsanaha Bankiga adduunka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay gaartay horumar muuqda, loona baahan yahay in la sii wado, waxayna tilmaantay in nabadda iyo xasilinta dalka ay qeyb weyn ka qaadan karto, dib u dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha “Ganacsiga gaarka loo leeyahay ee dalka, waxa uu sameeyay horumar baaxad leh, waxaana loo baahan yahay inay abuuraan fursado shaqo oo dhalinyarada ah” ayay tiri Bella Bird.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carteh oo goobta ka hadlay ayaa soo dhoweeyey warbixintan uu soo bandhigay Bankiga adduunka, isaga oo xusay in xukuumada Federaalku ku dadaashay sidii loo heli lahaa nidaam Hufan oo maaliyadeed.

“Xukuumadu waxay ku dadaashay yareynta kharashaadkii bixi jiray, isla markaana ay kordhiso dakhliga gudaha, waxaana jira horumar dhan walba leh oo amniga, dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka” ayuu yiri Mudane Maxamed Cumar Carteh, isaga oo dhanka kale tilmaamay in muhiimad gaar ah ay u leedahay shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada, si loo yareeyo qatarta ay ku duufsadaan dhalinyarada kooxaha argagixisada ah

1 unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Kuwait uga qeyb galaya shir muhiim ah

Next Post

Daawo Sawirrada: Madaxweynihii hore Sh. Shariif oo la kulmay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga

Next Post
Daawo Sawirrada: Madaxweynihii hore Sh. Shariif oo la kulmay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga

Daawo Sawirrada: Madaxweynihii hore Sh. Shariif oo la kulmay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In