Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bankiga Adduunka Oo Bogaadiyay Hufnaanta Nidaamka Maaliyaddeed ee dalka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 10, 2015
in Wararka
0
Bankiga Adduunka Oo Bogaadiyay Hufnaanta Nidaamka Maaliyaddeed ee dalka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, November 10, 2015——Bankiga adduunka ayaa bogaadiyay isla markaana ammaanay horumarka iyo hufnaanta Nidaamka maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib kulan ballaaran oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka, waxaana sidoo kale kulanka joogay khubaro iyo saraakiil sare sare oo ka socotay Bankiga adduunka (World Bank).

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Kulankan ayaa lagu soo bandhigay warbixin uu diyaariyay Bankiga adduunka taasoo cabireysay nidaaamka maaliyadda dalka, waxaana lagu xusay in saddexdii sano ee ugu dambeysay Soomaaliya ay gaartay horumar baaxad leh oo dhanka amniga, dib u dhiska, iyo hagaajinta hay’addaha ku shaqada leh maaliyadda, waxaana lagu xusay in loo baahan yahay sharciyo loo dejiyo nidaamka dhaqaalaha guud ahaan dalka, si loo helo maalgelin shisheeye iyo tayeynta nidaamka ganacsiga dalka iyo shirkaddaha gaarka loo leeyahay oo haatan ku shaqeeya xaalad adag.

Bella Bird oo ah u qeybsanaha Bankiga adduunka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay gaartay horumar muuqda, loona baahan yahay in la sii wado, waxayna tilmaantay in nabadda iyo xasilinta dalka ay qeyb weyn ka qaadan karto, dib u dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha “Ganacsiga gaarka loo leeyahay ee dalka, waxa uu sameeyay horumar baaxad leh, waxaana loo baahan yahay inay abuuraan fursado shaqo oo dhalinyarada ah” ayay tiri Bella Bird.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carteh oo goobta ka hadlay ayaa soo dhoweeyey warbixintan uu soo bandhigay Bankiga adduunka, isaga oo xusay in xukuumada Federaalku ku dadaashay sidii loo heli lahaa nidaam Hufan oo maaliyadeed.

“Xukuumadu waxay ku dadaashay yareynta kharashaadkii bixi jiray, isla markaana ay kordhiso dakhliga gudaha, waxaana jira horumar dhan walba leh oo amniga, dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka” ayuu yiri Mudane Maxamed Cumar Carteh, isaga oo dhanka kale tilmaamay in muhiimad gaar ah ay u leedahay shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada, si loo yareeyo qatarta ay ku duufsadaan dhalinyarada kooxaha argagixisada ah

1 unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Kuwait uga qeyb galaya shir muhiim ah

Next Post

Daawo Sawirrada: Madaxweynihii hore Sh. Shariif oo la kulmay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga

Next Post
Daawo Sawirrada: Madaxweynihii hore Sh. Shariif oo la kulmay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga

Daawo Sawirrada: Madaxweynihii hore Sh. Shariif oo la kulmay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In