Saturday, January 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israa’11l oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 weeks ago
in Wararka
0
Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israa’11l oo lagu qabtay magaalada Jowhar.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, iyaga oo dhigayay bannaanbax ballaaran oo ay ku muujinayaan dareenkooda ka dhanka ah damaca iyo faragelinta Israa’11l  ee ku wajahan gobollada dalka.

Bannaanbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah Israa’11l iyo kuwo ay ku muujiyeen taageeradooda midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

January 24, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

January 24, 2026

Waxay sidoo kale muujiyeen garab istaagooda mowqifka Dowladda Federaalka ee ku aaddan difaaca qaranimada iyo diidmada faragelinta shisheeye.

Mudanayaal ka tirsan maamulka Hirshabeelle, odayaal dhaqameed, culumaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jowhar ayaa ka qeyb galay isu soo baxa, iyagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed meel uga soo wada jeesan doonaan damaca kasta oo lagu carqaladeynayo midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Bannaanbaxan ayaa qeyb ka ah mudaharaadyada guud ee ka socda gobollo badan oo dalka ah, kuwaas oo lagu taageerayo midnimada Soomaaliya iyo in si wadajir ah loo diido faragelinta ajnabiga ah, gaar ahaan damaca Israa’11l.



Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jiray laamiga Nasiib buundo ee Degmad Shibis.

Next Post

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Next Post
Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanada dhammaystay waxbarashada heerarka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO(PAKISTAN):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar...

Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS oo maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta

Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS oo maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan rasmi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulanka maanta ayaa...

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland oo sii xoojiyay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland oo sii xoojiyay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa sii wada howlgallo ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In