Mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh xaruntooda golaha shacabka iyagoo ka doodaya qodoboo kala duwan oo fadhigooda horyaala.
Ajandayaasha mudanayaashu ka doodayaan waxaa ka mid ah u codeynta Qodobka 10-aad sharciga xuduudaha iyo Akhrinta Sharciga Maamulka Maaliyadda.
Mudanayaasha ayaa iminka ku sii qul qulaya xaruntooda golaha shacabka, si ay uga qeybgalaan fadhiga maanta oo qeyb ka ah kalfadhiga Sideedaad ee baarlamanka.