Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada dowladda Yemen oo Mukalla la wareegay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ciidamada dowladda Yemen oo Mukalla la wareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada dowladda Yemen oo ay taageerayaan ciidamada isbaheysiga ayaa qabsasaday magaalada dekadda ah ee Mukalla iyo xarunta ugu weyn ee dalkaasi ee laga dhoofiyo saliidda, iyagoo ka qabsaday kooxda al-Qaacidada Jaziiradda Carabta.

Ciidamo ka wada tirsan isbahaysiga Sacuudigu horkacayo ayaa gudaha u galay magaalada Mukalla, oo ahayd xarun weyn oo kooxda al-Qaaidada jaziiradda carabtu ay muddo sannaddo ah haysatay. Duqeyn cirka ah ayaa sahlay inay ciidamadan ay Mukalla galaan.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Qabsashada Mukalla ayaa dhabarjab ku noqonaya Alqaacidda, sababtoo ah waxay u ahayd meel ah deked ay canshuuro badan ka heli jireen.

Ku dhawaad 80 boqolkiiba, saliidda kayda Yemen ayaa waxaa xilligii nabadda laga dhoofin jiray goobta lagu magacabo Ash Shihr, oo 68 km u jirta magaalada xeebta ah Mukalla, laakiin xarunta saliida laga dhoofiyo ayaa xirnayd tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada ay al-Qaacidada ku qabsatay halkaasi.

Qabsashadan ayaa u muuqanaysa istiraatijyada cusub oo isbahaysiga Sacuudigu horkacayo uu la yimid, kuwaasoo muddo sannad ka badan awooddooda diirada ku saarayay kooxda Xuuthiyiinta ee Iran taageerta, oo iyagu qabsaday caasimadda, dowladdana inteedii badnayd dibedda dalka uga masaafurisay.

Dagaallada sokeeye ee dalka Yemen ayaa waxaa ku dhintay in kabadan 6 kun iyo 200, waxaana ku barakacay 2.5 malyuun o qof, iyadoo dagaalladan ay sababaeen masiibo bini’aadanimo.

Xabbadjoojin aan cago badan ku taagnaydn ayaa tan iyo bishan April tobankeedii jirta, waxaana ay qeyb ay ka tahay qorshe ay QM wadahadal nabadeed doonaysop inay ku dhexdhigto Xuuthiyiinta iyo madaxweyne Abdi Rabbu Mansour oo isagu imiaka Kuwait ku maqan.

Previous Post

Turkiga oo10 Kun oo guri muqdisho ka dhisi doono

Next Post

Barlamaanka oo maanta ka doodaya sharciga xuduudaha

Next Post
Barlamaanka oo maanta ka doodaya sharciga xuduudaha

Barlamaanka oo maanta ka doodaya sharciga xuduudaha

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In