Sunday, June 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Turkiga oo10 Kun oo guri muqdisho ka dhisi doono

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Turkiga oo10 Kun oo guri muqdisho ka dhisi doono
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaadday in dhawaan ay Muqdisho ka hirgalin doonto mashruuc lagu dhisaayo ku dhawaad 10 Kun oo Guri oo loogu talo galay in ay ka faa’iideystaan dadka shacabka ah kuwooda aanan waxba heysan ee ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ku xigeenka Kaaliyaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Dalka Turkiga, Cali Kamal Aydin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhawaan ay hirgalin doonaan mashruuc guryo looga dhisaayo gudaha Soomaaliya, kaas oo uu horay u balan qaaday madaxweynaha dowladda Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan xilli uu booqasho ku yimid gudaha Soomaaliya sanadii 2015-ka.

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir-guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istaraatijiyadda Ciidanka XDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir-guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istaraatijiyadda Ciidanka XDS

June 21, 2026
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo baaq-nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo baaq-nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya Hiiraan

June 21, 2026

“Waxaa dhawaan billaabeynaa qorshayaal aan ku dhiseyno ku dhawaad 10 Kun oo guri oo loogu talo galay in ay ka faa’iideystaan dadka aanan waxba heysan ee ku nool gudaha magaalada Muqdisho. Sidoo kale guryahaan waxa ay qeyb weyn ka qaadan doonaan bilicda caasimadda Soomaaliya oo haatan uu ka muuqdo horumar aad u ballaaran” ayuu yiri, Kuxigeenka Kaaliyaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Dalka Turkiga, Cali Kamal Aydin.

25-ka bisha Janaayo ee sanadkii tagay ee 2015-ka ayey aheyd markii madaxweynaha Turkiga oo baaqasho ku yimid magaalada Muqdisho uu balan qaaday in gudaha Soomaaliya ay ka hirgalin doonaan ku dhawaan 10 Kun oo guri oo loogu talo galay in ay ku intifaacaan dadka aanan waxba heysan ee ku nool gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimaadda Soomaaliya.

Previous Post

Shabeelaha hoose oo colaado darteed ay qoysas uga soo barakeceen maanta

Next Post

Ciidamada dowladda Yemen oo Mukalla la wareegay

Next Post
Ciidamada dowladda Yemen oo Mukalla la wareegay

Ciidamada dowladda Yemen oo Mukalla la wareegay

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir-guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istaraatijiyadda Ciidanka XDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir-guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istaraatijiyadda Ciidanka XDS

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Taliyaha Ciidanka XDS, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda Ciidanka XDS, kaas...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo baaq-nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo baaq-nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya Hiiraan

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha KMG ah, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore...

Muqdisho oo martigelisay munaasabadda “Mahadsanid Madaxweyne”

Muqdisho oo martigelisay munaasabadda “Mahadsanid Madaxweyne”

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo loogu magac daray “Mahadsanid Madaxweyne” oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In