Tuesday, September 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barlamaanka oo meel mariyay Miisaaniyadda sanadka 2015-ka ee dowladda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Barlamaanka oo meel mariyay Miisaaniyadda sanadka 2015-ka ee dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka  Barlamaanka oo  uu  maanta  shir guddoominayey gudomiye  ku xigeenka  kowaad  Barlamaanka Mudane  Jaylaani  Nuuur Iikar  ayaa ugu  horayn waxaa  warbixinta ku aadan  wax  ka badel lagu samayey  Miisaaniyadda sanadka  2015-ka  ka dhegeystay Guddiga Maalliyadda ee golaha Barlamaanka taas  oo labo  maalin ah ay ka doodayeen  mudanayaasha golaha Shacabka.

Xildhibaan Samaan   Maxamed  Sheekh , guddoomiyaha  guddiga Maalliyadda Barlamaanka  Soomaaliya  sheegay  in   gudigu    kulamo  ay la yeeshey mas’uuliyiinta  Wasaarada  Maalliyadda  iyagoo kala hadlay qodobadii Xildhibaanada ku taliyeen in wax laga bedelo.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026

Xoghayaha  guddiga Maaliyadda Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka  hadalayey   ahmiyadda ay  leedahay  ansixinta Miisaaniyadda dowlada ee sanadka 2015  oo tiro ahaan gaaraysa  USD 239.9 Milyan ,dhegaysiga  guddiga  Maaliyadda  ka dib ayaa loo gudagalay   codaynta ansixinta Miisaaniyadda sanadka 2015-ka ee  dowlada  federaalka Soomaaliya oo ay goob joog ka  ahaayeen   Sii-hayaha  Wasiiru dowlaha  Wasaarada  Maaliyadda   Soomaaliya  waxaana  u codaysay    Miisaaniyadda la ansixiyo ,148  mudane ayaa ogolaatay ,9 Mudane ayaa diiday,5 Xildhibaana waa ay ka aamuseen sidaas darteed Miisaaniyadda waa la ansixiyay sida uu ku dhawaaqay guddomiye ku xigeenka 1 aad ee Barlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar.

Sida ka muuqanaysa warbixinta guddiga Maalliyadda Barlamaanka Soomaaliya, waxaana kula talagalka Miisaaniyadda 2015-ka oo dhan USD 239.9 Milyan,waxaa ka muuqdain Miisaaniyaddu u badan tahay kharashyada adeega maamulka taas oo looga qoondeeyay Miisaaniyadda joogtada ah USD 103.5 Milyan una dgiganata 43.1% ee Miisaaniyadda, hay’adaha adeega Difaaca iyo Amniga USD 88.3 Milyan una dhiganta 36.8% ee Miisaaniyadda, hay’adaha adeega Bulshada USD 7.8 Milyan una dhiganta 8.4% ee Miisaaniyadda iyo kuwa kale USD 20.2 Milyan una dhiganta 8.4% ee Miisaaniyadda sanadka 2015-ka ee Qaranka.

Sii-hayaha  xil Wasiiru  dowlaha  Wasaarada  Maalliyadda Soomaaliya   Cabdulaahi  Maxamed Nuur  oo  an  sixinta  miisaaniyadda   ka dib  la  hadalay    xubnaha  golaha  shacabka  Soomaaliya isagoo  kaga mahad celiyey   meel marinta   miisaaniyadda  dowlada  ee  2015-ka waxaana mudaniyaasha ku amaanay tallooyinka ka siiyeen Miisaaniyaddan sidii ay u meel mari laheyd.

Ansixinta  miisaaniyayadda dowladda  ee sanadka 2015-ka  oo uu maanta   meel  mariyay   golaha  Barlamaanka   Federaalka Soomaaliya   ayaa   muhiimad gaar ah    u leh dardar gelinta    howlaha  dowlaha  Soomaaliya.

 

Previous Post

R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”

Next Post

Wasiirka Amniga ee Ximan iyo Xeeb oo isa soo sharaxay

Next Post
Wasiirka Amniga ee Ximan iyo Xeeb oo isa soo sharaxay

Wasiirka Amniga ee Ximan iyo Xeeb oo isa soo sharaxay

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

September 21, 2026
0

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka, oo ku beegan 21-ka Sebtembar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In