Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barlamaanka oo meel mariyay Miisaaniyadda sanadka 2015-ka ee dowladda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Barlamaanka oo meel mariyay Miisaaniyadda sanadka 2015-ka ee dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka  Barlamaanka oo  uu  maanta  shir guddoominayey gudomiye  ku xigeenka  kowaad  Barlamaanka Mudane  Jaylaani  Nuuur Iikar  ayaa ugu  horayn waxaa  warbixinta ku aadan  wax  ka badel lagu samayey  Miisaaniyadda sanadka  2015-ka  ka dhegeystay Guddiga Maalliyadda ee golaha Barlamaanka taas  oo labo  maalin ah ay ka doodayeen  mudanayaasha golaha Shacabka.

Xildhibaan Samaan   Maxamed  Sheekh , guddoomiyaha  guddiga Maalliyadda Barlamaanka  Soomaaliya  sheegay  in   gudigu    kulamo  ay la yeeshey mas’uuliyiinta  Wasaarada  Maalliyadda  iyagoo kala hadlay qodobadii Xildhibaanada ku taliyeen in wax laga bedelo.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Xoghayaha  guddiga Maaliyadda Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka  hadalayey   ahmiyadda ay  leedahay  ansixinta Miisaaniyadda dowlada ee sanadka 2015  oo tiro ahaan gaaraysa  USD 239.9 Milyan ,dhegaysiga  guddiga  Maaliyadda  ka dib ayaa loo gudagalay   codaynta ansixinta Miisaaniyadda sanadka 2015-ka ee  dowlada  federaalka Soomaaliya oo ay goob joog ka  ahaayeen   Sii-hayaha  Wasiiru dowlaha  Wasaarada  Maaliyadda   Soomaaliya  waxaana  u codaysay    Miisaaniyadda la ansixiyo ,148  mudane ayaa ogolaatay ,9 Mudane ayaa diiday,5 Xildhibaana waa ay ka aamuseen sidaas darteed Miisaaniyadda waa la ansixiyay sida uu ku dhawaaqay guddomiye ku xigeenka 1 aad ee Barlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar.

Sida ka muuqanaysa warbixinta guddiga Maalliyadda Barlamaanka Soomaaliya, waxaana kula talagalka Miisaaniyadda 2015-ka oo dhan USD 239.9 Milyan,waxaa ka muuqdain Miisaaniyaddu u badan tahay kharashyada adeega maamulka taas oo looga qoondeeyay Miisaaniyadda joogtada ah USD 103.5 Milyan una dgiganata 43.1% ee Miisaaniyadda, hay’adaha adeega Difaaca iyo Amniga USD 88.3 Milyan una dhiganta 36.8% ee Miisaaniyadda, hay’adaha adeega Bulshada USD 7.8 Milyan una dhiganta 8.4% ee Miisaaniyadda iyo kuwa kale USD 20.2 Milyan una dhiganta 8.4% ee Miisaaniyadda sanadka 2015-ka ee Qaranka.

Sii-hayaha  xil Wasiiru  dowlaha  Wasaarada  Maalliyadda Soomaaliya   Cabdulaahi  Maxamed Nuur  oo  an  sixinta  miisaaniyadda   ka dib  la  hadalay    xubnaha  golaha  shacabka  Soomaaliya isagoo  kaga mahad celiyey   meel marinta   miisaaniyadda  dowlada  ee  2015-ka waxaana mudaniyaasha ku amaanay tallooyinka ka siiyeen Miisaaniyaddan sidii ay u meel mari laheyd.

Ansixinta  miisaaniyayadda dowladda  ee sanadka 2015-ka  oo uu maanta   meel  mariyay   golaha  Barlamaanka   Federaalka Soomaaliya   ayaa   muhiimad gaar ah    u leh dardar gelinta    howlaha  dowlaha  Soomaaliya.

 

Previous Post

R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”

Next Post

Wasiirka Amniga ee Ximan iyo Xeeb oo isa soo sharaxay

Next Post
Wasiirka Amniga ee Ximan iyo Xeeb oo isa soo sharaxay

Wasiirka Amniga ee Ximan iyo Xeeb oo isa soo sharaxay

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In