Saturday, July 2, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO-Barlamaanka oo soo geba gebeeyay akhrinta labaad Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka

January 20, 2015
in Wararka
0
DAAWO-Barlamaanka oo soo geba gebeeyay akhrinta labaad  Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barlamaanka Soomaaliya kulan ay maanta ku tyeesheen xarunta golaha Shacabka waxaa ay soo geba gebeeyeen akhrinta labaad ee Hindise-sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka kaas oo horey loogu soo gudbiyay golaha shacabka.

Kulanka Barlamaanka ee maanta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Hanti Dhowraha Qaranka Dr Nuur Jimacaale Faarax iyadoo mudaniyaasha golaha shacabka ay su’aalo weydiiyeen Hanti dhowraha Qaranka.

Related posts

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022

Hindise-sharciyeedkan ayaa dhowaan waxaa Barlamaanka Soomaaliya uu dib ugu celiyay guddigga Maalliyadda ee Barlamaanka, waxaana mudaniyaasha ay ka dhiibteen tallooyinka wax ku oolka ah iyagoo sidoo kale soo jeediyay in qodobada qaar wax laga bedelo.

Xoghayaha Guddigga Maalliyadda iyo la Xisaabtan hay’adaha dowladda Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali ayaa sheegay in mudanayaasha golaha shacabka looga baahanyahay in ay qodab qodab uga hadlaan 37 qodob oo uu Hindise sharciyeedkan ka kooban yahay.

Dr Nuur Jimacaale Faarax Hnati dhowraha Qaranka ayaa Xildhibaanada ka codsaday in ay meel mariyaan Hindise sharciyeedkan si loo dardargeliyo howlaha canshuuraha iyo dakhli aruurinta.

Afhayeenka Barlamaanka Madune Maxamed Sheekh Cismaan ‘Jawaari’ oo kulanka maanta shir gudoominaayay ayaa faray Hanti Dhowraha iyo guddiyada Madax banaan in Dastuuriyan loo baahan yahay in sanadkii mar ay Xildhibaanada horkeenaan wax qabadkooda.
Hindise sharciyeedkan ayaa gudoonka Barlamaanka waxaa uu qorsheeyay in la soo geba gebeeyo ka hor Kalfadhiga 5 aad ee Barlamaanka.

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo maanta furey Mashruuca ka soo kabashada isbedel Cilmilada Soomaaliya”sawiro”

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
RadioMogadishu_logo

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Khadra Daahir...

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Bahda Faniinta uga tacsiyadeeyay geerida...

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

July 2, 2022
0

Allaha u naxariistee Fanaannad Qaran Khadra Daahir CIge ayaa caawa ku geeriyootay magaalada Hargeysa kaddib xanuun maalmahan hayay. Maxamed Xasan...

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

July 2, 2022
0

Waxaa maanta Dugsiga Maareynta iyo Maamulka Guud (School of Management and Public Administration) ee Jaamacadda Ummadda si habsami leh ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In