Monday, February 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barnaamijyo ka hadlaya arrimaha tahriibka oo lagu soo bandhigay sheekooyin naxdin leh oo lagu qabtay dalka Masar

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 years ago
in Wararka
0
Barnaamijyo ka hadlaya arrimaha tahriibka oo lagu soo bandhigay sheekooyin naxdin leh oo lagu qabtay dalka Masar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaxootiga Soomaalida ee ku nool magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar oo ka qeyb-galay barnaamijyo taxanayaal ah oo ay daadihisay Ifraax Axmed, oo ah gabar u ololeeysa arrimaha bulshada ayaa ka hadlay mid kamid ah dhibaatooyinka ugu xun ee maanta ay wajahayaan Soomaalidda.

Saddex gabdhood iyo saddex wiil oo dhammaantood waaya-arag u ah arrimaha tahriibka ayaa qeyb-ta koowaad ee barnaamijka kaga hadlay sababaha dhallinyarada Soomaaliyeed ku qasbaya in ay aadaan safarka halista badan oo ay dhibaatooyin badan kala kulmaan jidka iyo sababta mukhalasiinta ay uga dhaadhiciyaan dhallinyarada in ay si nabad ah ku geynayaan Yurub.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ‘W๐š๐ฑ๐š๐š๐ง ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐œ๐ฅ๐ข๐ข๐ง ๐ฌ๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š ๐š๐ช๐จ๐จ๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฒ๐จ ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ฃ๐ข๐ซ๐š”

February 8, 2026
Wasiirro ka tirsan XFS oo Bandhigga Difaaca Adduunka kaga qeyb galay Riyaadh

Wasiirro ka tirsan XFS oo Bandhigga Difaaca Adduunka kaga qeyb galay Riyaadh

February 8, 2026

Mid kamid ah dadka ayaa ka sheekeysay sheekadeeda gaarka ah. โ€œDalkeeyga dagaallo sokeeye ayaa ka jiray markii aan tahriibay, waxaan ka imid Mogadishu, deriskayagii way qaxeen, laakiin aniga waan iska joogay sababtoo ah waxaan ilaalinayay gurigeenna, kaddib waxaan arkay xaaladdu inay kasii darayso maalinba maalinta ka dambaysa, waxaan goโ€™aansaday inaan cararo, waxay ahayd goโ€™aankeyga shaqsiyeed,dhibaatooyin kale oo badan ayaa sidoo kale jiray.

โ€œInta badan ka qeyb-galayaashu waxay isku raaceen in amni darada ay tahay sababta ugu weyn ee dhallintu ay uga cararaan dalkooda Soomaaliya, laakiin inbadan oo kamid ah waxay qabaan dhibaatooyin kale, sida shaqo laโ€™aan iyo rajo beel dhinaca mustaqbalka ah. Mukhalasiinta waxaa ay ku sababaan dhallinyarada sheekooyin iyo balanqaadyada macaan, waxaana ay u sheegayaan dhallinyarada in safarka ay ku tagayaan Yurub uu yahay mid fudud, ammaan ah, oo gaaban. Mid ka mid ah haweenka ka qeyb-gashay barnaamijka ayaa tiri: โ€œWeli waxaan xasuustaa sidii farxada laheyd ee uu mukhalaska iiga qaatay lacagtayda. Anniga kaliya ma uusan i dhicin, laakiin sidoo kale dad badan oo Soomaaliyeed ayuu dhacay. Mukhalaska waxaa uu dhacay dad badan, xitaa qaar kamid ah dadka ayuu iibsaday.

โ€œMarka safarkooda uu bilowdo, tahriibayaasha waxaa ay haliso aan lasoo koobi karin ay kala kulmi doonaan doomo si xad dhaaf ah dad loogu soo raray, dhulka saxaraha ama gacanta kuwa dadka afduubta. Tahriibayaasha waxaa ay goob-joog u noqon doonaan dhibaatooyin aan laga sheekeyn karin, kuwo badan oo kamid ah tahriibayaasha ma badnaadi doonaan,โ€ gabar kale oo ka qeyb-gashay barnaamijka oo ka hadlaysay khibradeeda naxdinta leh ayaa sidaasi tiri.

โ€œKuwa ka ganacsada waxyaabaha sharci darrada ah ayaa na afduubtay. Qaar naga mid ah ayaa adoon ahaan loo iibiyay. Dadka qaar ayaa lagu qasbay inay ku biiraan kooxdeena, xitaa haddii aysan rabin inay safraan. Mukhalisiinta ayaa xoog ku qaatay. Qaarkeen ayaa si xun loo garaacay qaarna xitaa waa dhinteen. Qaar baa waxaa ka lumay oggaalkooda. Tahriib ma sahlana. Mukhalisiinta wax ay tahriibka ka dhigayaan wax fudud, laakiin waxaa jirta khatar dhab ah.

โ€ Xubnahii ka qeyb-galay barnaamijyada ayaa isku raacay in sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo ku dhimashada tahriibka ay tahay in la faafiyo runta ku saabsan waxa ku dhaca dadka tahriibaya ama tahriibayaasha. Laakiin dhibka jira ayaa ah in dhalinyarada Soomaaliya aysan dhageysan doonin digniinaha.

Borobogaandada mukhalasiinta aad ayey u xooggantahay. xitaa marka kuwii kasoo badbaaday tahriibka ay dib ugu soo noqdaan guryahooda oo ay ka sheekeyaan wixii ay kala soo kulmeen tahriibka, dadku wey diidaan in ay rumeystaan.

Mid ka mid ah sababaha arrimahan dhiiragelinaya waa fariimaha dhagarta ah ee dadka ay soo dhigayaan baraha bulshada. Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo ku nool Yurub iyo meelo kale oo iska dhigaya inay nolol wanaagsan heystaan ayaa soo bandhigaya sawirro iyaga oo xiran dhar qurxoon oo hor taagan gawaarida raaxada. Xubnaha ka qeyb-galay barnaamijka ayaa dhammaantood isku raacay in sheekooyinkaasi iyo sawirradaasi beenta ah ay sii xoojinayaan mukhalasiinta. Halka qaar kamid ah dadka qurbaha ku nool oo aan rabin in wajigooda la arko ay sheegeen in aysan heysanin daqli soo galo isla markaana ay gaajeysanyihiin, halkan dooda noocaasi ah ay noqotay mid xamaasad leh.

โ€œWaxaan ugu yeeri lahaa baraha bulshada wakiiladda mukhalisiinta,โ€ ayuu yiri nin. Haweeney ayaa ka soo dhex-gashay oo tiri: โ€œWaxaad arki doontaa dad aan dabooli karin baahiyahooda aasaasiga ah, in sawirro qurxu badan ay soo dhigaan baraha bulshada. Markaas dadku waxay aaminayaan in dadkaasi ay nolosha ku raaxeysanayaan oo ay baashaalayaan.

” Gabagabadii, Ifraax Axmed oo xiriirineysay barnaamijka ayaa uga mahadcelisay ka qeyb-galayaasha doodoodda xiisaha badan, taas oo ka qeyb ka qaadan doonta wacyigalinta dhallinyarada ee khatarta tahriibka.

Previous Post

3-Qof oo cudurka Ebola ugu geeriyootay dalka Guinea

Next Post

Deeq raashiin ah oo loo qeybiyey danyarta magaalada Xuddur.

Next Post
Deeq raashiin ah oo loo qeybiyey danyarta magaalada Xuddur.

Deeq raashiin ah oo loo qeybiyey danyarta magaalada Xuddur.

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ‘W๐š๐ฑ๐š๐š๐ง ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐œ๐ฅ๐ข๐ข๐ง ๐ฌ๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š ๐š๐ช๐จ๐จ๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฒ๐จ ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ฃ๐ข๐ซ๐š”

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ‘W๐š๐ฑ๐š๐š๐ง ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐œ๐ฅ๐ข๐ข๐ง ๐ฌ๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š ๐š๐ช๐จ๐จ๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฒ๐จ ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ฃ๐ข๐ซ๐š”

February 8, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa daahfuray Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka, oo sannadkan...

Wasiirro ka tirsan XFS oo Bandhigga Difaaca Adduunka kaga qeyb galay Riyaadh

Wasiirro ka tirsan XFS oo Bandhigga Difaaca Adduunka kaga qeyb galay Riyaadh

February 8, 2026
0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Riyaad ee...

Sanatarro ka tirsan Aqalka Sare oo ka dooday dib u eegista Dastuurka

Sanatarro ka tirsan Aqalka Sare oo ka dooday dib u eegista Dastuurka

February 8, 2026
0

Sanatarro ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo si qoto dheer...

Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

February 8, 2026
0

Wasaaradda Qoyska oo Muqdisho ku qabatay Munaasabadda 6da February ee maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Gudniinka gabdhaha, munaasabaddan ayaa waxaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In