Laba daaqadood oo muraayad ah ayaa bur-buray kaddib markii xalay kooxo hubaysan ay xabadeeyeen bas u adeegayay ciyaaraha Olombikada adduunka ee ka soconaya caasimadda dalka Brazil ee Rio de-Janeiro.
Baskan ayaa la weeraray xilli uu isaga kala gooshayay laba garoon oo ay ka socdaan ciyaaro, waxaana uu waday dad wariyayaal ah.
“Waa nala soo xabadeeyay, waxaana ay xabaduhu u muuqdeen kuwo bastoolad laga soo ridayay”, sidaa waxaa yiri joornaaliistaha mareykanka u dhashay ee lagu magacaaboย Sherryl Michaelson,ย Cidna kuma aysan dhaawacmin falkaasi weerarka ah.