Thursday, July 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Basaaskii ugu xirfadda badnaa Al-shabaabka Muqdisho oo la Xukumay

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
July 28, 2022
in Wararka
0
Basaaskii ugu xirfadda badnaa Al-shabaabka Muqdisho oo la Xukumay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

November sanadkii tegay bartamaheedii ayay ciidamada Amniga ka soo xeraan xaafadda Oodweyn ee degmada Dayniile Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow oo loo haystaa in uu Alshabaab u qaabilsanaa Howlaha Basaasnimada.

Xilliga ay ciidanka qabanayeen waxa laga helay Agabyada Basaasnimada loo isticmaalo sida, Okiyaal Camera leh, Boortakiyaabo wax duubi karto, Pro Camera, Drone Camera DJI, Flash Camera, Qalabka dhagoolayaasha balse loo isticmaalo dhegeysiga (Siemens Heraring Aid), Modam Internet iyo Telefoono.

Related posts

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

July 10, 2025

Waxa uu lahaa Gaari uu kula shaqeeyo Rikaab, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay 2015 ilaa 2020 Bajaaj, Sedax meel oo lagu kala magacaabo Kaabe Travel Agency, Salaama stationary & Tamaam printing Center oo uu isaga lahaa balse mar dambe uu iska xaraashay.

Waa 28 jir ku dhashay Muqdisho, kana baxay Jaamacadda Jamhuuriya, waxa uuna ka bartay cilmiga Computer Science.

Fadhiya kala duwan kadib iyo dhegeysiga dhinacyada dacwadda sida Xeer Ilaalinta iyo Qareenada maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow 15-sano oo xabsi ciidan ah, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Previous Post

Galmudug oo Ceel biyood ka hirgelineysa deegaanka Godinlabe.

Next Post

RW Xamse oo la kulmay qaar kamid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah

Next Post
RW Xamse oo la kulmay qaar kamid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah

RW Xamse oo la kulmay qaar kamid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

July 10, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka,...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

July 10, 2025
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa Maxkamadda Xisaabta ee Jamhuuriyadda Turkiga (TCA), ayaa magaalada Ankara ku kala...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

July 10, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In