Saturday, November 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bayaan: Boqolaal Khawaarij ah iyo horjoogayaal oo lagu dilay howlgallo socday 72-caas

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
3 years ago
in Wararka
0
Sawirro: Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo tegay furimaha dagaalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, Geesiyaasha dadka deegaanka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaanka Afcad ee Gobalka Hiiraan.

Howlgalkaan oo socday in ka badan 12 saacadood, ayaa ku soo dhammaaday guul, waxaana jabka ku gaaray Khawaarijta howlgalladii Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland uu ka dhigayaa 72-kii saac ee u dambeeyay in lagu laayay in ka badan 300 oo khawaarij ah oo ay ku jiraan horjoogayaal ay ka mid yihiin:-

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

November 8, 2025
Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

November 8, 2025
  1. Yuusuf Cali Sheekh Horjoogihii Deegaanka Fiidow, Waxaa lagu dilay Iji.
  2. Salaad Maxamuud Siyaad oo Magaciisa Afgarashada uu ahaa Amiin Owbaanle Horjoogihii waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, Waxaa lagu dilay Iji.
  3. Cabdixakiin Nuur Guuleed Dabaashe Horjooge koox ay ugu yeeraan Jamhadda, Waxaa lagu dilay Iji.
  4. Maxamed Indhofiiq Horjoogihii watay maleeshiyadii lagu laayay Afcad, Waxaa lagu dilay Afcad.

Waxaa kale oo howlgallada lagu qabtay maleeshiyaad isugu jira kuwa dhaawacyo ah iyo kuwa bad qaba oo uu ku jiro Horjoogihii Caafimaadka iyo Qaraxyada ee gobalka Mudug Salmaan Daahir oo lagu qabtay gobalka Mudug, sidoo kale waxaa isku soo dhiibay ciidanka Qaranka maleeshiyaad ka soo baxay khawaarijta goobo kala duwan.

Dhanka kale, waxaa la asturay maydadka Khawaarijta la laayay oo laga soo aruuriyay meelaha kala duwan oo ay ka dhaceen howlgalada.

Ciidanka Qaranka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay dhulkii ay ku dhuumanayeen khawaarijta, Hub badan iyo saanado kale oo ay isticmaalayeen khawaarijtu.

Dowladda  Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamiga ah waxaa ka go’an dhammeystirka howlgalka xididdada loogu siibayo Khawaarijta, waxaana Dowladdu mar kale uga mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka doorkooda dagaalka ka dhanka ah khwaarigta.

Previous Post

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay arrimaha Laascaanood, Turkiga iyo sharciyada dalka

Next Post

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa Addis Ababa ka degay

Next Post
Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa Addis Ababa ka degay

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa Addis Ababa ka degay

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BRAZIL):-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay shirka COP30 ee...

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(UGANDA):- 498 Sarkaal oo 48 ka mid ah ay yihiin Saraakiil Soomaaliyeed oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ayaa maanta...

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In