Tuesday, September 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

BAYAAN: Tilmaamaha Hab-raaca hannaanka doorashada 2016-ka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 29, 2015
in Wararka, Xulashada
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025

Madasha Wada-tashiga Qaran ee dalka, ayaa soo saaray bayaan ku aaddan tilmaamaha hab-raaca doorashada loo marayo sanadka 2016-ka, wuxuuna u qoran yahay bayaankaasi sidan;

Iyada oo la eegayo xaaladda ka jirta Soomaaliya, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalkaba si wadajir ah ugu dhawaaqeen, 28kii bishii Luulyo 2015 in doorasho qof iyo codkiisa ah aysan ka dhici karin, sida ku cad Dastuurka Federaalka Ku-Meelgaarka ah.

Madaxweynaha, Xukuumadda, Barlamaanka iyo madaxda Dawlad Goboleedyada, Maaamul Gobollada ku-meel-gaarka ah iyo bulshada rayidka ayaa isku raacay Mabaadiโ€™ Tilmaameed ee lagu ansaxiyay shirkii Madasha Iskaashiga ee Heerka Sare ee ka dhacay magaalada Muqdisho 28-30 bishii Luulyo 2015. Mabaadiโ€™da Tilmaadeedkaas oo ujeedaddeedu tahay in geeddi socodka doorashada sannadka 2016 uu soo bandhigo hab sharcinimadiisu sarreyso iyada oo loo marayo hab salballaaran, oo ku saleysan geedi-socod loo dhanyahay, kaas oo wada metelaya bulshada Soomaaliyeed.

Habka wadatashiga ah wuxuu u ogolaanayaa dadka Soomaaliyeed fursad ay si wadajir ah ugu fekeraan uguna gaaraan goโ€™aan ay u wada dhan yihiin oo khuseeya sidii loo qaban lahaa doorashada 2016ka. Geeddi-socodkan waxaa loo qaabeeyay in uu ahaado mid loo dhan yahay oo isu keenaya aragtiyo kala geddisan oo ka imanaya dhammaan qaybaha ay ka kooban tahay bulshada Soomaaliyeed. Iyadoo la eegayo Hiigsiga Cusub iyo Aragtiga 2016 oo dhiiri gelinaya ka wada qaybgalka, waxaa muhiim ah in ay geeddi-socodka ka qaybgalaan haweenka, dhallinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay. Talooyinka ka soo baxa waxay ka tarjumayaan danta iyo dareenka dadka Soomaaliyeed. Taas oo ku saleysan sidii lagu heli lahaa ka qaybgal siyaasadeed ee loo wada dhan yahay, ka dibna lagu dhiso bulsho nabad ah.

CUTUBKA KOOWAAD:

Mabaadiโ€™da Wax Hagta

Geedi-socodka Doorashada Sannadka 2016ka…

  1. Waa in uu muujiyoโ€œsharciyad sarreysaโ€ oo loo maray hannaan ballaaran oo loo wada dhanyahay oo ay isla ogolaadeen Dawlad Gobaleedyada Xubnaha ah ee hadda jiro iyo kuwa samaysmaya, waana in uu xaqiijiyo natiijo ay iska dhex aragto bulshada Soomaaliyeed ee maanta (dadka iyo deegaanka intaba) ayada oo xubnaha bulshaduna ay ku heshiiyeen hab-raac cad oo ay isla meel dhigeen. โ€จ
  2. Waa in uu la jaan-qaado dar-dar gelinta Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka. โ€จ
  3. Waa in uu kor u qaado oo uu xaqiijiyo ka-qayb qaadashada haweenka iyo dadka laga tirada badanyahay. โ€จ
  4. Waa in uu dhiiri-geliyaa ka-qayb qaadashada axsaabta siyaasadeed hadba heerka uu u ogolaanayo nidaamka Axsaabta Siyaasadeed. โ€จ
  5. Waa in uu kor u qaadaa midnimo qaran, ilaa iyo intii suurto gal โ€จahna, uu hannaan midaysan (ka hir-geliyaa) dhamaan gobolada. โ€จ
  6. Waa in uu noqdaa mid xaqiiqada ku qotoma marka loo eego โ€จdhaqaalaha la heli karo, tayada farsamo, iyo amniga. โ€จ
  7. Waa in uu noqdaa mid daah furan, isla xisaabtan leh oo kor u qaada kalsoonida dadweynaha. โ€จ
  8. Waa in uu xambaarsanyahay hannaan ku haboon oo loo mari karo cabashooyinka iyo dacwadaha. โ€จ
  9. Waa in uu si buuxdo u tixgeliyaa sida loo doonayo in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed uu u noqdo mid ka turjumaya oo u taagan midnimada dhulka Soomaaliya. โ€จ
  10. Waa in aysan wax yeello ka imaanin, sida dhiri-gelinta dhaq-dhaqaayo ay ka dhalan karaan hurinta colaado ama wiiqid la wiiqayo horumarada ilaa iyo hadda laga gaaray geedi-socodka dimoqoraadiyaynta iyo dhismaha dowladda.

CUTUBKA LABAAD:

Waajibaadka Shaqo

Habdhismeedka Madasha Wadatashiga

HORDHAC

In la qabto doorasho sannadka 2016 waxay si cad ugu qeexantahay Dastuurka Federaalka Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya. Aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan Hiigsiga 2016 ayaa si cad u qeexaysa baahida loo qabo in la helo hab lagu kalsoonaan/aamini karo oo awoodda xukunka lagu wareejiyo sannadka 2016, waana arrin mudnaan sare leh. Muddadii afarta sanno ahayd ee uu Dastuurku siiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku eg tahay bisha Agoosto 2016. Iyada oo laga ambaqaadayo wadatashigii loo wada dhammaa ee lala yeeshay Baarlamaanka Federaalka, Dowlad Goboleedyada, Bulshada Rayidka ah ayay Dowladdu ku dhawaaqday in doorasho ku saleysan qof iyo codkiisa ayna suurtagal ahayn sannadka 2016.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ka goโ€™an in ay u hawlgasho sidii lagu gaari lahaa hannaan dimuqraadi ah ee loo wada dhan yahay iyo sidii si daahfuran awoodda laysugu wareejin lahaa sannadka 2016. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo ay weheliyaan hayโ€™adaha kale ee Dastuurku waajibaadka siiyay ayaa soo bandhigay Mabaadiโ€™ Hagaysa habraaca doorashada 2016 kuwaas oo lagu ansaxiyay Madashii Iskaashiga ee Heerka Sare ee ka dhacday Muqdisho 29-30 Luulyo 2015. Qorshe Hawleedkan oo ku saleysan Mabaadiโ€™ Tilmaameed ku saabsan sidii lagu qaban lahaa hannaan wadatashi qaran oo si is afgarad goโ€™aan loogu gaarayo habka ugu habboon ee doorasho loo qaban lahaa sannadka 2016. Siyaasadda Dowladdu waxay sidoo kale ku qotontaa heshiiskii dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka 28kii bishii Luulyo 2015 iyo wadatashiyadii ay la yeelatay Dawlad Goboleedyada oo markii dambena lala wadaagay beesha caalamka.

Si loo gaaro hab is afgarad qaran ee shaqeyn kara, geeddi-socodka wadatashiga qaran waxaa loogu talagay in uu ahaado mid leh marxalado badan, lehna ka qaybgal loo wada dhan yahay oo ka kooban shirar wadatashi oo ay ka qayb qaadanayaan dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed oo marka u dambeysana lagu gaarayo heshiis ku saleysan wadahadal siyaasadeed iyo is afgarad. Natiijada ka soo baxda wadatashiyadan iyo habraaca lagu heshiiyo ee ku saabsan hannaanka doorashada sannadka 2016 waxaa lagu soo saari doonaa xeerarka lagama maarmaanka ah oo ay soo saari doonaan hayโ€™adaha Soomaaliyeed ee ay khuseyso.

QAAB DHISMEEDKA KORMEERKA IYO HIRGELINTA

Si loo hirgeliyo habka wadatashiga, waxaa la qaadi doonaa tallaabooyinka soo socda ee dhanka siyaasadda, habraaca, iyo maamulka si ay uga soo baxaan kaalin iskaabta ee kormeerka iyo hirgelintaba.

Madasha Wadatashiga Qaranka

Madasha Wadatashiga Qaranka (MWQ) waxay ahaan doonaa hayโ€™ad goโ€™aan qaadasho oo loo wada dhanyahay waxayna ka koobnaan doonaa laamaha Fulinta iyo Sharci Dejinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), Dowlad Goboleedyada, iyo Bulshada Rayidka ah. Madasha (MWQ) waxay goโ€™aan ka gaari doontaa habka ugu habboon ee loo qabanayo doorashada sannadka 2016, waxayna guddoomin doontaa geeddi socodka la raacayo ilaa iyo doorasho laga gaarayo oo ay xukun wareejin sannadka 2016 dhacayso. Taas oo ku saleysan mabdaโ€™a is afgaradka (concensus). Arrimaha lagu xallin waayo Madasha (MWQ) waxaa loo gudbin doonaa Madasha Hoggaanka Qaranka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Raโ€™iisal Wasaaraha, si looga yeesho dood dheeraad ah.

Si loo xaqiijiyo in loo wada dhammaado sharcina uu u noqdo geeddi socodka iyo natiijada ka soo baxaysaba, madashu waxay ka koobnaan doontaa: Madaxweynaha, Raโ€™iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasiiro iyo Xildhibaanno heer Federal iyo Dawlad Goboleed ah iyo Bulshada Rayidka. Waxaa muhimad gaar ah leh sidii lagu heli lahaa wakiillo metela haweenka, beelaha Somaliland, iyo dadka laga tirada badan yahay oo tiradoodu u dhiganto inta ay bulshada ka yihiin.

Koox ka tirsan Bulshada Caalamka ayna garwadeen ka tahay Qaramada Midoobay, ayaa kulanka goobjoog ka ahaanaya si ay u la socdaan, waxayna taageeraayaan Madasha Wadatashiga Qaranka, haddii loo baahdana waxay gelayaan dhexdhexaadin toos ah.

GUDDI HAWLEEDKA (TASK FORCE) MADASHA WADATASHIGA QARANKA

Si loo taageero hawsha Madasha Wadatashiga Qaranka, waxaa la sameeyey Guddi Hawleed (Task Force) ku saleysan mabdaโ€™a ah in uu ka tarjumo una hawlgalo fulinta goโ€™aanada loo wada dhan yahay Madasha Hoggaanka Qaranka. Hawsha guddigani u xil saaranyahay waxay isugu jirtaa inuu taageero, talana siiyo Madasha Wadatashiga Qaranka, xaqiijinayana sidii lagu hirgelin lahaa geedi socodka wadatashiga.

Guddigan wuxuu hoos imanayaa Raโ€™iisal Wasaaraha, waxaanna garwadeen ka ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka. Guddigu wuxuu ka kooban yahay Wasiiradda Cadaaladda ee heer federal, Arrimaha Dastuurka, Warfaafinta, Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo labo wasiir oo ka socda mid kasta oo ka mid ah Dowlad Goboleedyada Federaalka, iyo hal wakiil oo ka socda Xafiiska Madaxweynaha, Raโ€™iisul Wasaaraha iyo 3 xildhibaan oo ka socda Baarlamaanka.

Doorka iyo masโ€™uuliyadda Guddiga (Task Force)

  • Wuxuu hannanayaa hirgelinta dhabta ah ee goโ€™aanada lagu gaaro Madasha Wadatashiga Qaranka, wuxuu kormeerayaa habsami u socodka wadatashiyada habaysan ee ku cad Qorshe Hawleedka Madasha .
  • Wuxuu xaqiijinayaa sidii geeddi socodka wadatashiga uga hirgeli lahaa gobollada oo dhan si isku mid ah oo loo wada dhan yahay.
  • Wuxuu fududeynayaa iskudubaridka xiriirka siyaasadeed ee ka dhexeeya xubnaha Madasha Wadatashiga Qaranka.
  • Wuxuu bixinayaa talo istiraatijiyadeed, hagid siyaasadeed, sidoo kalena wuxuu taageerayaa Guddiga Taageerada Farsamo (TST) si loo xaqiijiyo in geeddi socodka wadatashigu uu ahaado mid loo wada dhan yahay, oo daahfuran.
  • Wuxuu xaqiijinayaa in geeddi socodka wadatashiga uu ahaado mid is waafaqsan laguna fuliyo waqtigii loogu tala galay.
  • Wuxuu warbixin joogta ah oo waqtiyaysan ka keenayaa geeddi socodka una soo gudbinayaa Madasha.
  • Wuxuu Madasha u soo diyaarinayaa sidii lagu ansaxin lahaa Tilmaamaha Habraaca Fududeynta (Facilitation Guide).
  • Wuxuu raadinayaa dhaqaalihii/kharashkii lagu hirgelin lahaa Qorshe Hawleedka.
  • Wuxuu wadatashi toos ah la yeelanayaa dhamman dadka ay arrintu khuseyso ee jooga gobol walba, si loo hormariyo la xiriirka dadweynaha iyo sharcinimada Madasha Wadatashiga Qaranka. โ€จGuddiga Taageerada Farsamo (TST) โ€จGuddiga Taageerada Farsamo (Technichal Support Team) oo ay garwadeen ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxay masโ€™uuliyad ka saarantahay laba arrimood oo kala ah; a) taageeridda Madasha Wadatashiga Qaranka (MWQ) iyo Guddi Hawleedka (Task Force), b) wuxuuna xaqiijinayaa arrimaha farsamo ee la xiriira Madasha Wadatashiga Qaranka iyo sidii lagu hirgelin lahaa arrimahaas. Guddigan wuxuu ahaanayaa midka ugu weyn ee talo โ€จ farsamo siiya Guddi Hawleedka Madasha Wadatashiga Qaranka, wuxuuna hagid farsamo iyo talo siyaasadeed u fidinayaa Guddi Hawleedka, haddii uu soo codsado, wuxuu soo saarayaa warbixino, qoraallo hordhac ah, wuxuuna bixinayaa taageero la xiriirta sidii loo habayn lahaa Tilmaamaha Habraaca Fududeynta. Guddiga Taageerada Farsamo (GTF) wuxuu ka qaybqaadanayaa doodaha siyaasadeed iyo wadahadalka guud ee dadweynaha ee la xiriira geeddi socodka doorashada sannadka 2016.

Guddiga Taageerada Farsamo (GTF) wuxuu kaloo Madasha u fududeynaya xiriirka ay la yeelanayso Dowlad Goboleedyada. Wuxuu diyaarinayaa barnaamijyada lagu la xiriiro dadweynaha iyo istiraatijiyadda isgaarsiinta. Guddiga Taageerada Farsamo (GTF) wuxuu ka kooban yahay hawlwadeenno ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Raโ€™iisal Wasaaraha, labo xildhibaan oo ka socda Barlamaanka iyo wakiillo ka socda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (hal wakiil midkiiba) iyo koox xeeldheerayaal ah oo ka kooban la taliyeyaal farsamo iyo la taliyaal kale oo ka imanaya Qaramada Midoobay kuwaas oo ahna khubaro iyo fududeeyeyaal.

Doorka iyo masโ€™uuliyadda Guddiga (TST)

  • Wuxuu xaqiijinayaa habsami u socodka hogaanka guud ee farsamo iyo maareynta dhanka farsamo iyo sidii lagu hirgelin lahaa hawlaha geeddi socodka wadatashiga.
  • Wuxuu la tashanayaa dhammaan daneeyeyaasha ay arrintu khuseyso si loo ogaado danahooda, rabitaankooda/kartidooda ku aaddan ka qaybgalkooda, si uu talo u siiyo Guddi Hawleedka (GH) iyo Madasha Wadatashiga Qaranka (MWQ).
  • Wuxuu maareynayaa guddiyada farsamo, xirfadlayaasha, iyo hawlwadeenada maamulka.
  • Wuxuu diyaarinayaa barnaamijyo iyo qorshe hawleedyo, wuxuu goโ€™aaminayaa hawlaha loo baahan yahay, wuxuu sheegayaa arrimaha mudnaanta leh, wuxuuna xaqiijinayaa hirgelinta barnaamijka.
  • Wuxuu la yeelanayaa xiriir shaqo oo joogta ah xogtana la wadaagayaa Guddi Hawleedka Madasha Watashiga Qaran.
  • Wuxuu xaqiijinayaa sidii taageero siyaasadeed iyo mid maaliyadeedba loogu heli lahaa in geeddi socdka wadatashiga laga hirgeliyo dhammaan gobollada dalka, wuxuuna xaqiijinayaa in ka qaybgalka geeddi socodka uu ahaado mid loo dhan yahay oo habboon.
  • Wuxuu shir u diyaarinayaa xubnaha Guddi Hawleedka Madasha Wadatashiga Qaranka si ay ugu heshiiyaan mowduucyada/arrimaha laga doodayo iyo ajendaha geeddi socodka wadatashiga, wuxuuna fududeynayaa doodaha shirka.
  • Wuxuu faahfaahinayaa Qorshe Hawleedka, wuxuuna guddiyada shaqeynaya ku kaalmeynayaa sidii ay xog uga heli lahaayeen mowduucyada qaarkood (waxay raadinayaan taageerada deeq bixiyeyaasha iyo dowladda si loo helo kaalmo farsamo marka loo baahdo).
  • Wuxuu xaqiijinayaa in geeddi socodka wadatashiga uu u socdo sidii loo qorsheeyay, wuxuuna xogta u gudbinayaa wixii fikrado ah oo uu soo ururiyo Guddi Hawleedka Madasha Wadatashiga Qaranka.
  • Wuxuu diyaarinayaa warbixino ku saabsan hormarka la gaaray toddobaad walba, wuxuuna u gudbinayaa Guddi Hawleedka Madasha Wadatashiga Qaranka iyo daneeyeyaasha kale ee ay arrintu khuseyso (sida

deeqbixiyeyaasha iyo saaxiibada dhiggooda ah), iyo wixii kale oo warbixin

ah ee loo baahdo sida warbixinta la siiyo warbaahinta.

  • Wuxuu qorayaa maqaallo iyo hadallo la jeediyo iyo khudbado, wuxuuna u โ€จqorayaa Guddi Hawleedka iyo Madasha Wadatashiga Qaranka si dadweynaha loogu wargeliyo wixii horumar ah ee laga gaaray geeddi socodka wadtashiga.
  • Wuxuu xaqiijinayaa sidii dhaqaale loogu heli lahaa xoghaynta iyo guud ahaan geeddi socodka wadatashiga.
  • Wuxuu diyaarinayaa qorshe ku aaddan sidii kaalmo saad iyo farsamo loo heli lahaa.
  • Wuxuu maamulayaa dhaqaalaha/kharashka ku baxaya, wuxuuna masโ€™uul ka yahay sidii lagu heli lahaa isla xisaabtan, daahfurnaan iyo wax qabadka shaqaalaha maamulka iyo barnaamijkaba โ€จCUTUBKA SADDEXAAD: โ€จGeeddi socodka wadatashiga iyo hababka kala geddisan ee doorashada: โ€จTilmaamahan Habraaca Fududeynta (Facilitation Guide) ma aha mid soo wada koobaya ama qeexaya wixii habab doorasho iyo fikrado ah ee ilaa hadda la soo gudbiyay. Laakiinse, waxuu soo bandhigayaa afar nooc oo kala duwan oo lagu yagleeli karo Ergada Doorasha (Electoral College) (magacaabid ama soo xulid), ergadaas oo iyaduna dooran doonta Barlamaanka Federaalka. Hababka doorasho ee kala geddisan ayaa looga doodi doonaa Madasha Wadatashiga Qaranka iyo wadatashiyada gobollada. โ€จIyada oo la raacayo natiijada ka soo baxda wadatashiyada iyo doodaha aan soo sheegnay, ayaa waxaa la soo diyaarin doonaa tusaalooyin doorasho oo qeexan, si loogu goโ€™aamiyo Madasha Wadatashiga Qaranka iyo sidii lagu hirgelin lahaa, iyada oo lagu saleynayo doodaha billowga ah iyo wadatashida gobollada.

Afarta siyaabo:

Waxaa la sameyn karaa Ergo Doorasho Qaran (National Electoral College) oo kala leh afar heer: heer qaran, heer dowlad goboleed (oo ka mid ah Dowladda Federaalka ha ahaadaan kuwa hadda jira ama kuwa sameysmi doona), ama heer degmo (92 degmo ee jiray 1991) ama hab beeleed, kuwaas oo kala ah sida soo socota:

o Ergo doorasho oo ka kooban dalka oo dhan:

o Waxaa la sameynayaa Ergada Doorasha (Electoral College) oo ka kooban dalka oo dhan si ay u doortaan 275 xildhibaan. Nidaamka caynkan oo kale ah wuxuu keeni karaa in la dhiso axsaab siyaasadeed oo heer qaran ah iyada oo la raacayo nidaamka matelaadda u dhiganta ee uu xisbi kasta barlamaanka ku yeesho tiro xildhibaano ah oo u dhiganta codadka uu doorashada ka helo. Ergo doorasho oo heer dowlad goboleed ah:

Dowlad goboleed kasta oo xubin ka ah Dowladda Federaalka, ha ahaadeen kuwa hadda jira ama kuwa sameysmi doona, waxay sameyn doontaa ergo doorasho oo dooran doona xildhibaanada baarlamaanka oo metelaya dowlad gobeleedkooda.

o Ergo doorasho oo heer degmo ah:โ€จDegmo walba oo ka mid ah 92dii degmo ee jirtay sannadkii 1991 ayaa sameynaysa

ergo doorasho oo dooranaysa xildhibaanada baarlamaanka u metelaya degmadooda (tusaale ahaan, degmo walba waxay dooranaysaa 3 Xildhibaan, taas oo wadarta xildhibaanada baarlamaanka ka dhigaysa 276).

o Ergo doorasho oo beel ku saleysan:

Waxaa la sameynayaa ergo doorasho oo beel ku dhisan (tani waxay la mid tahay sidii wax lagu soo xulay sannadkii 2012 oo 135 odey dhaqameed ay soo xuleen xildhibaanada) laakiin tiro intaas ka ballaaran oo beelaha metelaya ayaa soo xulaya xildhibaanada metelaya beelahooda.

LIFAAQ:

Qaabka ay u dhacayaan Wadatashiyadda Heerka Dawlad Goboleed.

Wadatashiyadda Heerka Dawlad Goboleed

Shirarka Wadashiyada heerka Dawlad Goboleedyada jira iyo Maamuladda ku meel gaarka ah wuxuu u dhacayaa xili isku mid ah, wuxuuna soconayaa mudo labo maalmood ah, waxayna ka dhacayaan Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Mogadishu.

Gudiga Hawlfulinta (Task Force) ayaa qabanaya wadatashiyadda Dawlad Goboleedyadda, taasoo ay ka qaybqaadanayaa Baaralamaanka Dawlad/ Maamul Goboleedka, Odayaasha Dhaqanka, Bulshadda Rayadka ah, Hogaamiyayaasha Dhaqanka, Ganacsatadda, Haweenka iyo Dhalinyaradda.

Shirarka waxaa furaya Madaxweynayaasha Dawlad/Maamul Goboleedyadda, waxayna ka koobnaan doonaan sedex fadhi oo labo maalin qaadanaya.

Kulanka Koowaad (90 daqiiqo)

–Hadalka Madaxweynaha (10 daqiiqo)โ€จ–Hadalka Afhayeenka Baarlamaanka Dawlad/Maamu Goboleedka (5 daqiiqo) –Hadalka Hoggaamiyaha Dhaqanka Dawlad/Maamu Goboleedka (5 daqiiqo) –Hadalka Wakiilka Ganacstadda (5 daqiiqo)โ€จ–Hadalka Wakiilka Bulshadda Rayadka ah (5 daqiiqo)โ€จ–Hadalka Wakiilka Haweenka (5 daqiiqo)โ€จ–Hadalka Wakiilka Dhalinyaradda (5 daqiiqo)

— Horudhac kooban oo uu Raโ€™iisuwasaaraha ama Wasiirka wakiilka ka ah uga ah Gudiga Hawlfulinta (Task Force) soo jeediyo taasoo la xariirta qaababka (Models) doorasho ee la kala dooranayo iyo hab raaca dooda (30 daqiiqo)

Kulanka Labaad (soo koobid wixii dhacay maalintii hore) (180 Daqiiqo)

Dood Kooxeed: kasoo qaybgalayaasha waxaa loo qaybin doonaa kooxo (groups) si ay mid mid uga doodaan qaababka (models) iyagoo taxaya faaโ€™iidooyinka iyo ciladaha uu qaab (model) kasta leeyahay.

Waa in la iskugu dhafaa xubnaha Dood Kooxeedka qayabaha kala duwan oo ay kasoo qaybgalayaashu ka kooban yihiin.

Koox kasta waa in uu horkacaa ruux fududeeya ah oo dooda ku haga si natiijo wax ku ool ah lagu gaaro, xoogana saara in aysan wadada ka weecan oo aysan u noqon aragtiyo isku jawaabaya.

Koox kasta waa in ay leedahay ruux wardhaca u qaada oo madasha dooda u soo gudbiya wixii ay ka doodeen oo kooban.

Kulanka Sedexaad (Maalinta Labaad)(60 Daqiiqo)

Furitaanka Madasha (30 daqiiqo)โ€จKoox kasta waa in warbixinteeda soo gudbisaa (10 daqiiqo koox kasta)

Soo gabagabaynta dooda Raโ€™iisuwasaaraha ama Wasirka ka wakiilka ah (30 daqiiqo).

Xiritaanka Shirka Madaxweynaha Dawlad/Maamul Goboleedka (10 daqiiqo). 14

Wadatashiga Qurbojoogta

Waxay ku xirnaan doontaa imkaaniyaadka dhaqaale iyo waqti, labo kulan oo London ama Minneapolis lagu kala qabto ama kulan weyne Nairobi la isku keeno wakiilada Qurbojoogta.

Waxay raacayaan qaabka wadashi ee Dawlad/Maamul Goboleed (Kulan labo maalin soconaya, oo lagu soo bandhigayo Qaababka (models) afarta ah taasoo ay soo bandhigayaan Gudiga Hawlfulinta (Task Force), waxaana xigi doona dood laga yeelanayo faaโ€™iidooyinka iyo ciladaha qaab (model) kasta leeyahay. Ka diban kooxo la isku qaybiyo oo ay ku soo dhamaato warbixin koox kasta madal waynta u soo gudbiso laguna soo ururiyo aragtida ka soo qaybgalayaasha warbixin qoraal ah.โ€จKulanwaynaha Labaad ee Madasha Wadatshiga Qaran (December 2015)

Waxaa la qaban doonaa usbuuca labaad ee bisha Diseembar 2015ka

Madaxweynaha ayaa furi doona.โ€จWaxaa gudoominaya Raโ€™iisuwasaarahaโ€จWaxay ka koobaan doontaa labo kulan (session) oo maalin socdaโ€จKulanka Koowaadโ€จ–Hadalka Madaxweynaha (10 daqiiqo)โ€จ— Hadalka Afhayeenka Baarlamaanka (10 daqiiqo)โ€จ— Madaxweynayaasha Dawlad/Maamul Goboleedyadda (10d midkiiba)โ€จ—- Wakiilka Bulshadda Rayadka ah (10d)โ€จ–Hadalka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ku hadlaya magaca beesha caalamka (10 daqiiqo)โ€จ–Soo jeedinta natiijadii ka soo baxday wadatashiyadii heerka Dawlad/ Maamul Goboleed , taasoo uu soo jeediyo Raโ€™iisuwasaaraha (30 daqiiqo)

Kulanka Labaad

–Madasha waxaa loo furayaa dhamaan xubnaha Madasha Wadashiga Qaran kuwaasoo aragtidooda ka dhiibanaya warbixinta talooyinka la soo ururiyey.โ€จ— Hadalka soo gunaanadka Madaxweynayaasha Dawlad/Maamul Goboleedyadda (5d kiiba)โ€จ—Hadalka soo gunaanadka shirka Raโ€™iisuwasaaraha (10d)โ€จ—-Hadalka soo gunaanadka shirka UN SRSG (5d)โ€จ—-Hadalka soo gunaanadka shirka Madaxweynaha (15d)

Gunaanadka

Marka la soo gabagabeeyo Wadatashiga Heer Gobol iyo Heer Federal, waxaa hannaanka doorasho ee la isku raaco sharci ku meel marin doona hayโ€™adaha federaalka ee ay khusayso.

***

Previous Post

Madaxweynaha Dalka Oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Hindiya

Next Post

Maaamulka degmada Baardheere Oo Ka Hadlay Fatahaad Laga Cabsi Qabo In Wabiga Jubba Uu Sameeyo

Next Post
Daawo Sawirrada: Wabiga Shabeelle oo qarka u saaran in uu ku fataho deegaanno hor leh

Maaamulka degmada Baardheere Oo Ka Hadlay Fatahaad Laga Cabsi Qabo In Wabiga Jubba Uu Sameeyo

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka,...

๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐——๐— ๐—” ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐—พ๐—ฒ๐˜†๐—ฏ ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ฟ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐—ต๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฐ๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—นl๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ

๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐——๐— ๐—” ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐—พ๐—ฒ๐˜†๐—ฏ ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ฟ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐—ต๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฐ๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—นl๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu...

Raโ€™iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

Raโ€™iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

September 16, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey suโ€™aalo la xiriirra waxyaabaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In