Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Marwo Fahiima Cismaan Cumar ayaa Baydhabo ka Daahfurtay ololaha gacalo – gabadheydiyeey ee lagu ciribtiraayo gudniinka gabdhaha, kaasi oo ay iska kaashanayaan, Ifrah Foundation iyo UNFPA Soomaaliya iyo Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Koonfur Galbeed.
Daahfurka ololahan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadk, Xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, haween odayaal dhaqameed, Culimo, xubno ka socdey Hay’adda UNFPA iyo Hay’addo kale, waxaana halkaa la’isku dhaafsaday dhibaatooyinka uu leeyahay gudniinka Gabdhaha.