Kulankan wadatashiga ah oo Maanta ka furmay Magaalada Baydhabo ayaa looga arrinsan doonaa Xalinta khilaafadyada iyo sida looga hortagi karo Abaaraha sanad walba ku soo laalaabta Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Koofur Galbeed.
Waxaa daah furay Ku simaha Madaxweynaha Koofur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi, ayadoo ay ka soo qeybgaleen,wasiiro, xildhibaano iyo madax ka socotay hay’adaha samafalka.
Ugu horeyn wasiirka dib u heshisiinta iyo arrimaha dastuurka ee dowlada goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Nuur Caraale oo kulanka soo qaban qaabiyay ayaa si weyn u bogaadiayay arrimo ay kamid yihiin muhiimadda ay leedahay in bulshadu ay ka wada qeyb qaatan arrimaha dib u heshiisiinta.
Qaar kamid ah ka soo qeybgaliyaashi kulanka oo goobta ka hadley ayaa sheegay in abaarahan faraha badan iyo colaadaha mararka qaar dhaca looga hortagi karo in la helo amni la isku haleyn karo taasna looga fadhiyo dawlada.
ku simaha Madaxweynaha K/Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay shirkaasi,isagoo bogaadiyay arrimaha dib u heshiisiinta dadka deegaanadaasi dega iyo u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyen.