Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beeraleyda Baardheere oo faafaahiyay Khasaaraha ka dhashey Fatahaadii Webigga Jubba uu ka geeystay magaalada Baardheere (Sawirro)

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Beeraleyda Baardheere oo faafaahiyay Khasaaraha ka dhashey Fatahaadii Webigga Jubba uu ka geeystay magaalada Baardheere (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

In ka badan 5600 oo qoys oo noloshooda ay ku tiirsaneed wax soo saarka beeraha ayaa waxaa saameyay fatahaad uu webiga Jubba sameeyey 23-kii bishan April.

Illaa iyo 2321 beerood oo ku teedsanaa afaafka  webiga Jubba kuna kala yaallay  63 tuulo oo hoostaga degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayay sameeyay fatahaadii Wabiga, sida ay noo xaqiijiyeen guddiga iskaashatada beeraleyda degmada Baardheere.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Dalagyada ay ka mid ahayeen Mooska, Bocorka,Cambaha,liinta,Yaanyo, Basal, Bataati, Basbaas, Qare, Digir,Galley iyo Sisin oo ay beeraleyda abuurteen bilihii febarury iyo Marso ee sanadkan ,ayna Qorsheynayeen inay goostaan bisha Ramadaan ayaa gabi ahaanba fatahadii Wabiga Jubba uu sameyay ku baaba’ay.

C/raxmaan Xaaji Maxamed  Ismaaciil oo 60 jir ah oo ku nool tuulada Mardhaa oo Baardheere 9 Km kaga beegan dhanka waqooyi , kana mid ah beeraleyda fatahaaddu ay ka baabi’isay dalagyadoodii ayaa sheegay in 15 hektar oo uu ku beertay dalagyo kale gedisan ayey biyahu kala tageen ,waxaana intaasi ku daray in weli uusan helin Matoorkii beerta uu ku waraabsanjiray.

C/raxmaan Xaaji Maxamed  Ismaaciil ayaa sidokale sheegay inuu beerista dalagyadaan uu geliyey dhaqaale gaaraya $2700.

Degmada Baardheere iyo tuulooyinka hoostaga waxaa ku yaalla dhul beereed lagu qiyaasay 123,kun oo hektar oo isugu jira beeraha waraabka iyo kuwa ku baxa biyaha Roobka, Gudiga Iskaashatada Beeraleyda Baardheere ayaa khasaaraha soo gaarey beeraleyda Baardheere ku sheegay in ka badan $975 kun oo dolar.

Previous Post

Wadamada Caalamka oo Olole ugu jira sidii loo heli lahaa tallaal loga hortagayo Corona Virus

Next Post

Ciidamada kumaandoska oo Al-shabaab kala wareegay deegaanka Leego

Next Post
Ciidamada kumaandoska oo Al-shabaab kala wareegay deegaanka Leego

Ciidamada kumaandoska oo Al-shabaab kala wareegay deegaanka Leego

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In