Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beeraleyda Baardheere oo faafaahiyay Khasaaraha ka dhashey Fatahaadii Webigga Jubba uu ka geeystay magaalada Baardheere (Sawirro)

caqiil by caqiil
April 25, 2020
in Wararka
0
Beeraleyda Baardheere oo faafaahiyay Khasaaraha ka dhashey Fatahaadii Webigga Jubba uu ka geeystay magaalada Baardheere (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

In ka badan 5600 oo qoys oo noloshooda ay ku tiirsaneed wax soo saarka beeraha ayaa waxaa saameyay fatahaad uu webiga Jubba sameeyey 23-kii bishan April.

Illaa iyo 2321 beerood oo ku teedsanaa afaafka  webiga Jubba kuna kala yaallay  63 tuulo oo hoostaga degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayay sameeyay fatahaadii Wabiga, sida ay noo xaqiijiyeen guddiga iskaashatada beeraleyda degmada Baardheere.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Dalagyada ay ka mid ahayeen Mooska, Bocorka,Cambaha,liinta,Yaanyo, Basal, Bataati, Basbaas, Qare, Digir,Galley iyo Sisin oo ay beeraleyda abuurteen bilihii febarury iyo Marso ee sanadkan ,ayna Qorsheynayeen inay goostaan bisha Ramadaan ayaa gabi ahaanba fatahadii Wabiga Jubba uu sameyay ku baaba’ay.

C/raxmaan Xaaji Maxamed  Ismaaciil oo 60 jir ah oo ku nool tuulada Mardhaa oo Baardheere 9 Km kaga beegan dhanka waqooyi , kana mid ah beeraleyda fatahaaddu ay ka baabi’isay dalagyadoodii ayaa sheegay in 15 hektar oo uu ku beertay dalagyo kale gedisan ayey biyahu kala tageen ,waxaana intaasi ku daray in weli uusan helin Matoorkii beerta uu ku waraabsanjiray.

C/raxmaan Xaaji Maxamed  Ismaaciil ayaa sidokale sheegay inuu beerista dalagyadaan uu geliyey dhaqaale gaaraya $2700.

Degmada Baardheere iyo tuulooyinka hoostaga waxaa ku yaalla dhul beereed lagu qiyaasay 123,kun oo hektar oo isugu jira beeraha waraabka iyo kuwa ku baxa biyaha Roobka, Gudiga Iskaashatada Beeraleyda Baardheere ayaa khasaaraha soo gaarey beeraleyda Baardheere ku sheegay in ka badan $975 kun oo dolar.


Previous Post

Wadamada Caalamka oo Olole ugu jira sidii loo heli lahaa tallaal loga hortagayo Corona Virus

Next Post

Ciidamada kumaandoska oo Al-shabaab kala wareegay deegaanka Leego

Next Post
Ciidamada kumaandoska oo Al-shabaab kala wareegay deegaanka Leego

Ciidamada kumaandoska oo Al-shabaab kala wareegay deegaanka Leego

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In