Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beeraleyda Gobolka Bakool oo xaalad adag soo wajahday+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Beeraleyda Gobolka Bakool oo xaalad adag soo wajahday+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Beeraleyda Gobalka Bakool ayaa ka cabanaya hoos u dhac ku yimid dallagooda, markii ay deegaannadaasi kusoo laa-laabteen abaaro, Biyo yaraan iyo cayayaanno wax yeello u geystay Beerahooda.

Related posts

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026

Agaasimaha wax soosaarka Wasaaradda Beeraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xuseen Muuse Malisha, oo u warramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhibaatooyinka jira uu qayb ka yahay Cayayaanka, kaas oo wax yeelleeya Dalagyada kala geddisan, isla markaana sababta in laga niyad jabo tacbashada.

Cabdixamid Salaad Xasan, oo ah khabiir ku takhasusay ladagaallanka Cayayaanada Beeraha kana mid ah Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa sheegay in sida loo yarayn karo  waxyeellada Cayayaanka ay tahay in isbeddel lagu sameeyo abuurka Beeraha.

Muktaar fuuje, oo ah isku-duwaha Wasaarada Beeraha ee Degmada Xuddur ayaa sheegay in baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan Beeraleydu ay ka mid yihiin in loo sameeyo ,wacyigelin, tababar, abuur, iyo in la siiyo agabkii Beeraha.

Isku-duwaha ayaa intaa ku daray in xafiiska Wasaaradda Beeraha ee Degmada Xuddur uu u baahan yahay dayac tir buuxa iyo qalabayn, si uu u fuliyo howlihii Beeraleyda Gobolka Bakool.

Gobolka Bakool oo inta badan dhaqaalihiisu ku tiirsan yahay wax soosaarka dalagyada Beeraha ayaa Saddexdii Sano ee lasoo dhaafay waxaa ka jiray abaaro iyo Cudurro saameeyay Dadka iyo xoolaha la dhaqdo, iyadoo Dadkii tacbatada ahaana ay intooda badan maciin bideen xerooyinka barakacayaasha duleedka Xuddur, iyadoo Dowladda dhexe iyo hay’adaha sama-falka ka dalbanaya in dib u dejin loo sameeyo

Previous Post

Danjire Baalle “ Soomaalidu waa in ay hoggaamisaa taageerada caalamka ee maha in caalamku hoggaamiyo taageerada Soomaaliya”

Next Post

Guddoomiyaha Aqalka sare oo u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Puntland

Next Post
Guddoomiyaha Aqalka sare oo u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Puntland

Guddoomiyaha Aqalka sare oo u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Puntland

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay si diirran u...

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

April 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In