Beeraaleyda gobolka Mudug gaar ahaan kuwa deegaaanka Docolle ee duleedka Bari Magaalada Galkacyo ayaa bilaabay beerashada dalaga nuuyadiisa khudaarta oo looga baran inay soo saaran kuwaasi oo haatan u iibgeysta magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka mudug.
Khudaarta noocyadeeda kala duwan ayaa hore magaalada Galkacyo looga keeni jiray gobolada Shabeellaha Hoose,Shabeellaha Dhexe iyo Gobolka Hiiraan oo dhammaan ah dhul wabiga hase ahaatee beeraaleyda gobolka Mudug ayaa markaan billaabay in iyagu beeraan si bulshada ay u helaan khadaar deegaanno dhaw uga yimaada.
Maxamed Maxamuud Khayre oo Ka mid ah Shaqsiyaadka waqtiga galiyay In dhul Bareedyo lagu Tacban Dalagyo kala duwan ay Ka Sameeyaan gobalka Mudug ayaa sheegay inay guul muuqata ka gaareen Tijaabooyin badan Kaddib.
“Waxaa Alle mahadii ah inaan tijaabooyin badan ka dib aan ku guueleysano inaa soo saarno Khadaar aan looga baran gobolka waxaana rajeynaynaa inaan u iibgeyno deegaanno badan oo haatan aan usuura galin inay helaan khudaarta. Ayuu ku daray hadalkiisa Maxamed Maxamuud Khayre.
Hore loogama baran in khudaar lagu beero Gobolka Mudug hase ahaatee beeraaleyda Gobolka ayaa isku dayaya inay wax soo saarka gobolka lagu daro Khadaarta aan hore looga baran.