Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beesha caalamka:Mooshinka Laga Keenay M.weynaha Wuxuu Carqaladeynayaa Yoolka Nabaad iyo Horumarka ay Soomaaliya Hiigsaneyso.(War-saxaafadeed)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa, Xulashada
0
Beesha caalamka:Mooshinka Laga Keenay M.weynaha Wuxuu Carqaladeynayaa Yoolka Nabaad iyo Horumarka ay Soomaaliya Hiigsaneyso.(War-saxaafadeed)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 19 Agoosto 15: Iyagoo ah saaxiibada dadka Soomaaliyeed oo ka walaacsan xaaladda, ayaa danjireyaasha Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) waxay muujinayaan inay aad uga welwelsanyihiin in mooshinka Baarlamaanka ee lagu doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu carqaladeeyo horumarka Soomaaliya ay gaarayso yoolalka nabadda iyo dowlad dhisidda.

“Inkastoo aan si buuxda u qadarinayno xaqa uu Baarlamaanka Federaalku u leeyahay inuu la xisaabtamo hay’adaha sidaana ku guto waajibaadkiisa dastuur, gudbinta mooshin caynkan oo kale ah waxay u baahantahay daahfurnaan aad u heer sarreysa iyo hanaanka loo maro oo hufanaato, waxayna qaadan doontaa waqti aad qaali u ah, gaar ahaan marka ay meesha ka maqanyihiin hay’ado sharci oo lagama maarmaan ah.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Waxaan sidoo kale xusuusanaa in Soomaaliya iyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay uu waajib ka saaranyahay inay raacaan Qaraarka Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2232, oo qeexaya rajada beesha caalamka ee amniga iyo horumarka siyaasadeed ee loo baahanyahay in laga gaaro Soomaaliya, iyo baahida loo qabo hanaan doorasho ee loo dejiyo sannadka 2016ka iyadoo aan xilka loo kordhinin laamaha sharcidejinta iyo fulintaba.

Inkastoo aan aqoonsanahay horumarka sannadihii la soo dhaafay laga gaaray Soomaaliya, gaar ahaan dhanka federaalka, iyo annago sidoo kalena aqoonsan kaalinta muhimka ah oo geesinimada leh ee uu ka geystay Baarlamaanka Federaalka, iyadoo inta badana khasaare badana ay dadka ka soo gaarto, waxaan weli ka welwelsanahay horumarka ka socda ajendaha sharcidejinta iyo baahida loo qabo in la ansaxiyo shuruuc muhim ah, oo ay ka midyihiin shuruucda doorashada, muwaadinimada, xisbiyada siyaasadda iyo maxkamadda dastuurka. Hay’adaha sameysmayana waa kuwo weli liita. Waxay u baahanyihiin muddo xasilloon iyo hawsha oo sii socota si loogu ogolaado Soomaaliya inay ka fa’iideysato Barnaamijka Heshiiska Soomaaliya ee Hiigsiga Cusub iyo inay isu diyaariso xilka dowladda oo la wareejiyo sannadka 2016.

Sannadkii 2014, saaxiibada caalamku waxay si joogta ah ugu ololeeyeen xasilloonida siyaasadda iyo sii socodka hawsha, ixtiraamka kaalimaha ay hay’aduhu kala leeyihiin sida ku qeexan dastuurka iyo tallaabooyin xoog leh ee wax looga qabto musuqmaasuqa laguna horumariyo maareynta maaliyadda guud, oo ay ka midyihiin dhinacyada amniga iyo difaaca. Sannadkan 2015kana, mawqifkeena waa sidiisii oo waan ku adkeysaneynaa, ismana bedelin.

Waxaa naga go’an inaan dadka Soomaaliyeed ku kaalmeyno isu diyaarinta geeddi socod doorasho ee dhacda sannadka 2016 oo aan hay’ad keligeed ama cid kale oo ay arrintu khuseyso ku amartaagleyneynin. Hanaanka doorasho ee dhab ahaan loo dooran doono waxaa isla qaadan doona dadka Soomaaliyeed ka dib maka la maro hanaan wadatashi, ee ay ka wada qaybqaataan laamaha fulinta, sharcidejinta iyo maamul goboleedyada iyo weliba bulshada rayidka dalkoo idil. Waxaan ka warhaynaa in laanta Fulinta (Xukuumadda) iyo Xildhibaanada Baarlamaanka labaduba ay ogolaadeen Qorshe Hawleedka la soo jeediyay ee hanaanka wadatashiga qaran.

Waxaan rumeysanahay in dadka Soomaaliyeed la siiyo fursad ay wakiilladooda la soo doortay, oo ay ka midyihiin Madaxweynaha iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, kula xisaabtamaan sannadka 2016ka, iyagoo u maraya hanaan doorasho oo daahfuran oo loo wada dhanyahay.

Waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha federaalka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan midnimadooda iyo isku xirnaantooda inta lagu jiro xilligan adag, ayna diiradda saaraan arrimada mudnaanta leh ee ay dadka Soomaaliyeed dejisteen: (a) diyaarinta hanaanka doorasho ee sannadka 2016ka; (b) sameynta maamul-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo hanaanka dib u eegidda dastuurka, oo muhim u ah xasilinta, maamulka iyo dowlad-dhisidda; iyo (c) la dagaallanka Al-Shabaab, oo maraya meel xasaasi ah, mahadi ha ka gaartee taageerada iyo dadaalka ay naftooda u hurayaan ciidamada amaanka qaranka Soomaaliyeed, Midowga Afrika iyo saxiibada kale.”

Dhamaad

Previous Post

19 August 2011 waa maalin taariikhi ah, Booqashadii 1-aad ee Erdogan “Sawirro”

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In