Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beesha caalamka:Mooshinka Laga Keenay M.weynaha Wuxuu Carqaladeynayaa Yoolka Nabaad iyo Horumarka ay Soomaaliya Hiigsaneyso.(War-saxaafadeed)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa, Xulashada
0
Beesha caalamka:Mooshinka Laga Keenay M.weynaha Wuxuu Carqaladeynayaa Yoolka Nabaad iyo Horumarka ay Soomaaliya Hiigsaneyso.(War-saxaafadeed)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 19 Agoosto 15: Iyagoo ah saaxiibada dadka Soomaaliyeed oo ka walaacsan xaaladda, ayaa danjireyaasha Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) waxay muujinayaan inay aad uga welwelsanyihiin in mooshinka Baarlamaanka ee lagu doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu carqaladeeyo horumarka Soomaaliya ay gaarayso yoolalka nabadda iyo dowlad dhisidda.

“Inkastoo aan si buuxda u qadarinayno xaqa uu Baarlamaanka Federaalku u leeyahay inuu la xisaabtamo hay’adaha sidaana ku guto waajibaadkiisa dastuur, gudbinta mooshin caynkan oo kale ah waxay u baahantahay daahfurnaan aad u heer sarreysa iyo hanaanka loo maro oo hufanaato, waxayna qaadan doontaa waqti aad qaali u ah, gaar ahaan marka ay meesha ka maqanyihiin hay’ado sharci oo lagama maarmaan ah.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Waxaan sidoo kale xusuusanaa in Soomaaliya iyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay uu waajib ka saaranyahay inay raacaan Qaraarka Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2232, oo qeexaya rajada beesha caalamka ee amniga iyo horumarka siyaasadeed ee loo baahanyahay in laga gaaro Soomaaliya, iyo baahida loo qabo hanaan doorasho ee loo dejiyo sannadka 2016ka iyadoo aan xilka loo kordhinin laamaha sharcidejinta iyo fulintaba.

Inkastoo aan aqoonsanahay horumarka sannadihii la soo dhaafay laga gaaray Soomaaliya, gaar ahaan dhanka federaalka, iyo annago sidoo kalena aqoonsan kaalinta muhimka ah oo geesinimada leh ee uu ka geystay Baarlamaanka Federaalka, iyadoo inta badana khasaare badana ay dadka ka soo gaarto, waxaan weli ka welwelsanahay horumarka ka socda ajendaha sharcidejinta iyo baahida loo qabo in la ansaxiyo shuruuc muhim ah, oo ay ka midyihiin shuruucda doorashada, muwaadinimada, xisbiyada siyaasadda iyo maxkamadda dastuurka. Hay’adaha sameysmayana waa kuwo weli liita. Waxay u baahanyihiin muddo xasilloon iyo hawsha oo sii socota si loogu ogolaado Soomaaliya inay ka fa’iideysato Barnaamijka Heshiiska Soomaaliya ee Hiigsiga Cusub iyo inay isu diyaariso xilka dowladda oo la wareejiyo sannadka 2016.

Sannadkii 2014, saaxiibada caalamku waxay si joogta ah ugu ololeeyeen xasilloonida siyaasadda iyo sii socodka hawsha, ixtiraamka kaalimaha ay hay’aduhu kala leeyihiin sida ku qeexan dastuurka iyo tallaabooyin xoog leh ee wax looga qabto musuqmaasuqa laguna horumariyo maareynta maaliyadda guud, oo ay ka midyihiin dhinacyada amniga iyo difaaca. Sannadkan 2015kana, mawqifkeena waa sidiisii oo waan ku adkeysaneynaa, ismana bedelin.

Waxaa naga go’an inaan dadka Soomaaliyeed ku kaalmeyno isu diyaarinta geeddi socod doorasho ee dhacda sannadka 2016 oo aan hay’ad keligeed ama cid kale oo ay arrintu khuseyso ku amartaagleyneynin. Hanaanka doorasho ee dhab ahaan loo dooran doono waxaa isla qaadan doona dadka Soomaaliyeed ka dib maka la maro hanaan wadatashi, ee ay ka wada qaybqaataan laamaha fulinta, sharcidejinta iyo maamul goboleedyada iyo weliba bulshada rayidka dalkoo idil. Waxaan ka warhaynaa in laanta Fulinta (Xukuumadda) iyo Xildhibaanada Baarlamaanka labaduba ay ogolaadeen Qorshe Hawleedka la soo jeediyay ee hanaanka wadatashiga qaran.

Waxaan rumeysanahay in dadka Soomaaliyeed la siiyo fursad ay wakiilladooda la soo doortay, oo ay ka midyihiin Madaxweynaha iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, kula xisaabtamaan sannadka 2016ka, iyagoo u maraya hanaan doorasho oo daahfuran oo loo wada dhanyahay.

Waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha federaalka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan midnimadooda iyo isku xirnaantooda inta lagu jiro xilligan adag, ayna diiradda saaraan arrimada mudnaanta leh ee ay dadka Soomaaliyeed dejisteen: (a) diyaarinta hanaanka doorasho ee sannadka 2016ka; (b) sameynta maamul-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo hanaanka dib u eegidda dastuurka, oo muhim u ah xasilinta, maamulka iyo dowlad-dhisidda; iyo (c) la dagaallanka Al-Shabaab, oo maraya meel xasaasi ah, mahadi ha ka gaartee taageerada iyo dadaalka ay naftooda u hurayaan ciidamada amaanka qaranka Soomaaliyeed, Midowga Afrika iyo saxiibada kale.”

Dhamaad

Previous Post

19 August 2011 waa maalin taariikhi ah, Booqashadii 1-aad ee Erdogan “Sawirro”

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In