Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

19 August 2011 waa maalin taariikhi ah, Booqashadii 1-aad ee Erdogan “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
19 August 2011 waa maalin taariikhi ah, Booqashadii 1-aad ee Erdogan “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo kale waa sanadguuradii 4aad ee ka soo wareegtay booqashadii 1aad ee Somalia uu ku yimid Reccep Tayyip Erdogan, taas oo lagu tilmaami karo mid horseeday is-bedel Muuqda iyo Horumar la taaban karo oo ay Somalia lugaha la gashay, waxay noqotay maalin ku weyn Taariikhda Somalia,

Waa hubaal in qof walba ka dheragsan yahay halkii aanu joognay booqashadaas ka hor, waxaa taagnaa dagaalo qaraar iyo abaaro labaatan jirsaday, kuwaasoo sababay gaajo iyo cudurro naafeeyay dadka Soomaaliyeed. Waxaana dalka ku dhuftay abaartii ugu xumayd ee soo marta muddo 60-sano ka badan, taasoo sababtay inay naftooda ku waayaan kumanaan dad ah, tahriibka dhallinyarada kusii hoobanayay badda ayaa isna ahaa mid gaaray heerkii ugu sarreeyay, nabad-galyada, caafimaadka, wax-barashada iyo dhammaan adeegyada asaasiga ah ee dalka ayaa ahaa kuwo laga quustay, xaalad deg-deg ah ayuu dalku galay, waxaana isa soo taray dalab si is-daba-joog ah uga soo yeerayay xukuumaddii xiligaas jirtay ee KMG-ka ahayd, taas oo beesha caalamka ka codsatay kaalmo biniโ€™aadannimo oo deg-deg ah, laakiinse waxaa nasiib-darro wayn ahayd in hayโ€™adihii gargaarka iyo dalalka deeqaha-bixiya ay dhegaha ka fureysteen qaylo-dhaantii dowladdii Soomaaliya,

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

19/08/14 ayaa waxay noqotay maalin qaali ku ah taariikhda ummadda Soomaaliyeed, waa markii ugu horeysay mudo ka badan labaatan sano oo uu Soomaaliya booqasho ku yimaado musโ€™uul ka socda wadan ka baxsan qaarada Afrika ayna la socdaan wefdi sฤฑdaas u balaaran, waxay ahayd maalintii uu dalkeena booqashada taariikhiga aheyd ku yimid Raisulwasaare Recep Dayib Erdogan kaas oo hogaamฤฑnayay wefdi aad u balaaran oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tฤฑisan golahiisa wasiirada, xildhibaano, xaaskiisa ฤฑyo weliba qaar ka mid ah caruurtiisa, Madaxweyne Erdogan oo markaa ahaa Raisulwasaaraha dalka Turkiga ayaa markฤฑฤฑ uu soo degayย  toos u abaaray xerooyinkฤฑฤฑ qaxootiga halkaas oo ay ku sugnaayeen dad Soomaalฤฑyeed oo ay wajฤฑyadooda ka muuqatay dhibaato iyo murugo, warbaahinta caalamka ayaa soo saaray muuqaalka RW Erdogan ฤฑyo xaaskฤฑฤฑsa oo dhabta ku haya caruur Soomaaliyeed oo la il daran nafaqo daro, hadaladii uu maalฤฑntaa jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa โ€˜โ€™Waxaa la yiraa Muqdisho lama tegi karo, waa nimid si aan taa u beenino, kuwo kalena wey imaan doodnaanโ€™โ€™ย  booqashadaasi waxay albaabka u furtay madaxda caalamka kuwaas oo markaaa ka dib bilaabay ฤฑn ay ku soo qulqulaan Soomaaliya.

Walaalaha Turkiga ayaa isla markiiba bilaabay gar-gaar biniโ€™aadamnimo kii ugu badnaa ee soo gaara Somalia, waxaa si hagar laโ€™aan ah loo taakuleeyay dadkii tabaaleysnaa ee ay ka soo barakiciyeen deegaannadooda abaarihii dalka ku dhuftay iyo weliba colaaddii socotay, Turkigu waxay dalka u soo direen dhaqaatiir iyo khuuburo caafimaad si ay u badbaadiyaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo taasi ay xoojisay xiriirka u dhexeeya Somalia iyo Turkiga.

Dhanka kale, waxaa la furay safaaraddii turkigu uu ku lahaa Soomaaliya, taasoo noqotay safaaraddii ugu horreysay ee laga furuy meel ka baxsan garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Waxaa furmay wejฤฑ cusub oo aad u xoojiyay xiriirka Turkiga ฤฑyo Soomaaliya, waxaa is badelay muuqaalka dadka iyo guud ahaan dalka, waxaa kor u kacay hab nololeedka shacabka Soomaaliyeed taas oo noqotay isbedel muuqda oo la taaban karo.

Taageerada hagarlaโ€™aaneed ee walaalaha Turkiga ayaa keentay in Shacabka Soomaaliyeed ugu yeeraan Turkiga walaalo iyo saaxiibo laysku halayn karo,

Albaabka laga soo galo caasimada Soomaaliyeed ee ah gegida diyaaradah Muqdisho markii aad soo gaarto ayaad arkaysaa muuqaal madaar caalami ah oo soo jiidanaya indhahaaga, kuma eka ee wadooyinka isku xirayay magaalada iyo gegida diyaaradaha oo ahaa muuqaal naxdin leh ayaa helay dib u dhis, nadiifin iyo iftiin, waxaa dowlada Turkiga ee aanu walalaha nahay horseed ka noqotay horumarinta hanaanka caafimaadka, waxbarashada, dib u dhiska guud, siyaasada, dhaqaalaha iyo nabadgelyada.

Waqtฤฑ dheer ayay qaadanaysaa in hal qormo lagu soo ban dhigo isbedelkii iyo horumarkฤฑฤฑ la gaarayย  booqashadaas taariikhiga aheyd kadib, waxyaabaha aan la hilaami doonin waxaa ka mid ah kudhawaad laba kun arday Soomaaliyeed ah oo deeq wax barasho ka helay dalka Turkiga, dhismaha cibitaalada, iskuulada, wadooyinki iyo naleynta, biyaha, tayaynta ciidamada, taagerada dhaqaale iyo dhiirigelinta maalgashiga.

1 (1) 1 (17) 1 (477) 1IB0A0271 2IB0A0274 Baker Bozdag Isbital Baker Bozdag Isbital (1) Bekir Bozdag & Ambassador bozdag-somali Carruur-kuwa-Barakacayaasha-ah-oo-Wafdiga-Soo-dhoweynaya Cartoon220115 Cartoon 30_MAY_2012 DSC03706 Erdogan14 Erdogan Muqdisho Erdogan-Sharif Erdogan-Sharif 2

BASBAKAN RECEP TAYYIP ERDOGAN, ESI EMINE ERDOGAN VE BERABERINDEKILER SOMALI'NIN BASKENTI MOGADISU'DA WARDIKLEY KAMPINDAKI HASTA COCUKLARLA ILGILENDI. BASBAKAN ERDOGAN, COCUKLARIN KENTTEKI TURK HASTANESINE NAKLI KONUSUNDA SOMALI HUKUMETINDEN YARDIM ISTEDI (ANADOLU AJANSI - FIRAT YURDAKUL) (20110819)
BASBAKAN RECEP TAYYIP ERDOGAN, ESI EMINE ERDOGAN VE BERABERINDEKILER SOMALI’NIN BASKENTI MOGADISU’DA WARDIKLEY KAMPINDAKI HASTA COCUKLARLA ILGILENDI. BASBAKAN ERDOGAN, COCUKLARIN KENTTEKI TURK HASTANESINE NAKLI KONUSUNDA SOMALI HUKUMETINDEN YARDIM ISTEDI (ANADOLU AJANSI – FIRAT YURDAKUL) (20110819)

Fanaanad-u-dhalatay-Turkiga-oo-Wafdiga-ka-mid-ahayd-oo-deeq-siineysa-Barakacayaasha

Somali&aรงlฤฑk ve kuraklฤฑk
Somali&aรงlฤฑk ve kuraklฤฑk

IB0A0125 IB0A0689 IB0A0692 IB0A1235 IB0A1243 IB0A1334 IB0A1601 IMG_2172 somali-futball Somali-Turky St st1 st2 st2 (1) st4 st5 Turkish_Oldwoman

http://stfriendship.com/so/

By Axmad Guuleed

Previous Post

Idaacadda Kulmiye Oo Shahaado Sharaf Guddonsisay Sh Maxamuud Aw C.lle Cariif oo Muddo 40 Sana ah Dadka Soomaaliyeed Barayay Casharka Tafsiirka Qurโ€™aanka Kariimka ahโ€Sawiroโ€

Next Post

Beesha caalamka:Mooshinka Laga Keenay M.weynaha Wuxuu Carqaladeynayaa Yoolka Nabaad iyo Horumarka ay Soomaaliya Hiigsaneyso.(War-saxaafadeed)

Next Post
Beesha caalamka:Mooshinka Laga Keenay M.weynaha Wuxuu Carqaladeynayaa Yoolka Nabaad iyo Horumarka ay Soomaaliya Hiigsaneyso.(War-saxaafadeed)

Beesha caalamka:Mooshinka Laga Keenay M.weynaha Wuxuu Carqaladeynayaa Yoolka Nabaad iyo Horumarka ay Soomaaliya Hiigsaneyso.(War-saxaafadeed)

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In