Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beesha Caalamka oo soo dhaweysay asixinta golaha Wasiirada ee Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Beesha Caalamka oo soo dhaweysay asixinta golaha Wasiirada ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur goboleedka IGAD iyo dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa soo dhoweeyay ansixinta golaha Wasiirada ee cusub oo maalintii shalay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Beesha caalamka waxaa ay Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha dalka iyo Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ku booriyeen in ay ku dadaalaan dhameystirka qorshiyaasha 201ka.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

“waxaan soo dhaweynaynaa asixinta golaha Wasiirada ee cusub, waxaana madaxda hay’adaha Soomaaliya ugu baaqaynaa in ay si wadajir ah u shaqeeyaan si loo gaaro qorshaha la hiigsanaayo ee 2016-ka hadda waxaa la joogaan waqtigii la ilaalin lahaa midnimada iyo xasiloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliy” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeed si wadajir ah u soo saareen Wadamada iyo hay’adaha kor ku xusan.

” waxaana sidoo kale ku baaqaynaa in la kordhiyo ka qeybgalinta siyaasadda iyo hanaanka socoda gabdhaha, dhallinyarada iyo dadka laga tiro badan yahay waxay taasi qeyb ka tahay waxyaabaha keeni kara in Soomaaliya ay horey u socoto” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sanadka 2015-ka waa sanad aad u muhiimsan waxaana la doonayaa in la xoojiyo howlgalada lagu adkeynaayo amniga dalka isla markaana la raadiyo wadadii Soomaaliya ku heli laheyd nabadgeliyo iyo xasilooni buuxda.

Beesha caalamka waxaa ay sidoo kale cambaareeyeen dilkii maalintii shalay kooxda Al-shabaab u geysteen Allaha u naxriistee Xildhibaan Cabdullaahi Qayaad Barre oo ka tirsanaa mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya iyagoo hay’adaha amaanka Soomaaliya ka dalbaday in ay cadaaladda hor keenaan dambiilyaasha ka dambeeyay dilkaasi.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdosho

Next Post

MUUQAAL-Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo baaq nabadeed u diray beello ku dagaallamay Baladweyne

Next Post
MUUQAAL-Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo baaq nabadeed u diray beello ku dagaallamay Baladweyne

MUUQAAL-Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo baaq nabadeed u diray beello ku dagaallamay Baladweyne

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In