Wednesday, July 6, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MUUQAAL-Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo baaq nabadeed u diray beello ku dagaallamay Baladweyne

February 10, 2015
in Wararka
0
MUUQAAL-Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo baaq nabadeed u diray beello ku dagaallamay Baladweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirradan baaqa nabadeed jeedinayey ayaa kala ahaa wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Macdanta  iyo Badtoorka, Mudane Maxamed Muqtaar, wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Cabdiweli Sheekh Muudey iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafmaadka, Mudane Cismaan Maxamed Daallo, iyagoo si wadajir ah cod dheer ugu baaqay beello walaalo ah oo uu dagaal ku dhexmaray magaalada baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa yiri “ waa muhiim in dagaalka la joojiyaa in dadka masaakiinta ah la badbaadiyo, waxaana uga mahadcelinayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan dadaalkooda ku aaddan sidii dagaallada  u kala dhexgaleen”.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

July 6, 2022
Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

July 6, 2022

Sidoo kale Wasiirka Macdanta Badroolka Mudane Maxamed Muqtaar iyo wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, mudane Cabdiweli Sheekh Muudeey, ayaa iyagana codkooda ku biiriyey in dagaallada  baladweyne ka dhacay si deg deg ah loo joojiyo oo dadka waalaha ah waxyaabaha ay kala tabanayaanna lagu dhammeeyo madasha wada hadalka, si loo xaliyo.

Ugu dambeyntii wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafmaadka Soomaaliya, Mudane Cismaan Maxamed Daallo, ayaa ka codsaday bulshada reer Hiiraan iyo odayaasha Dahqanka in ay laba-laabaan sidii ay  u nabadeyn lahaayeen deegaanka, isla markaana wasiirrada ka jeeda gobolkana ay diyaar u yihiin in ay kaalintooda ka qaataan sidii nabad loo gaari lahaana ay ku dadaalayaa.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sabtigii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya beelo walaala ah oo halkaasi wada degga inkastoo markii dambe ay odayaasha Dhaqanka iyo maamulka gobolka oo iskaashanaya ay ku guuleysteen in dagaalkaasi la joojiyo, waxaana isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo beelaha dagaallamay.

 

Previous Post

Beesha Caalamka oo soo dhaweysay asixinta golaha Wasiirada ee Soomaaliya

Next Post

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

July 6, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya...

Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

July 6, 2022
0

Booliiska magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in wiil 17 jir ah uu dhintay, wiil kale oo 16-sanno jirana...

Dalal IGAD oo Maalintii labaad Shir ugu socdo Kenya

Dalal IGAD oo Maalintii labaad Shir ugu socdo Kenya

July 6, 2022
0

Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu Shir uga socdaa Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar...

Jamhuuriyadda Chile ee Koonfurta America oo Codsi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Chile ee Koonfurta America oo Codsi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya.

July 5, 2022
0

Ku Simaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia ahna u qaybsanaha safaaradda JFS ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In