Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beesha Caalamka oo Soo Dhaweysay Furitaanka Shirka Maamul u Sameynta Gobolada Dhexe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Beesha Caalamka oo Soo Dhaweysay Furitaanka Shirka Maamul u Sameynta Gobolada Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaramada Midoobay,IGAD, midowga yurub, AMISOM,Mareykanka, ingiriiska, Sweden, Italy, Ethiopia, Uganda iyo Turkey ayaa soo dhaweeyay shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud oo shalay galinkii danbe ka furay magaalada Cadaado.

Saaxiibada Beesha caalamka ayaa ku amaantay dadka gobolada dhexe soo gabagabeynta shirkii dib u heshiisiinta Dhusamareeb iyo sida ay uga go’antay in ay dalka ka dhacdo nabad iyo deganaasho.

Related posts

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026

“ tani waa tillaabo kale oo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca nabadda iyo dhisidda maamul goboleed ay leeyihiin dadka ku nool gobolada dhexe iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxa aan ka war sugeynaa natiijo guul ah oo ka soo baxdo shirka Cadaado, waxa aan dadka gobolada dhexe ku boorineynaa in ay dhistaan maamulkooda cusub,iyaga oo ku saleynayo mabaadii’da dib u heshiisiineed, aragti loo dhan yahay oo dadka dhan mideysa” ayey yiraadeen saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Saaxiibada beesha caalamaka ayaa madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ugu hambalyeeyay, kaalintiisa furintaanka shirka, waxeyna dhamman ka qeyb galayaasha shirka Cadaado ku booriyeen in ay meel iska dhigaan wax kasta oo dan shaqsiyadeed la xariira, si ay kor ugu qaadaan nabadda iyo dhismaha gobolka.

Saxiibada Soomaaliya ayaa sidoo kale dhammana dhinacyada kala duwan ku booriyay in ay guda galaan dhib u heshiisin miro dhal leh oo aas-aaska loogu dhisayo maamul goboleed ku-meel gaar ah oo xasilan,, waxaana saaxiibada Soomaaliya ay ballan qaadeen in bixinayaan taageerada si loo xaqiijiyo dhaqan gelinta natiijiyo waqtiyeysan oo shirka Cadaado ka soo baxdo.

“saaxiibada caalamiga ah ee Soomaliya, waxay ku faraxsan yihiin, sida shacabka iyo mas’uuliyiinta Ximan iyo Xeeb ay u marti geliyeen booqashadeydi Cadaado, ee 15-ki bishan Abriil, waxa aan awoodi karnaa in aan si toos ah ula socono dhinacyada kala duwan, booqashadu waxaa ay aheyd in aan caddeyno taageeradeena iyo kor u qaadidda arrimaha tanaasulka ah” sidaasi waxaa yiri wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay.

Heshiiska in maamulka gobolada dhexe loo sameeyo waxaa la saxiixay 30-ki bihsii Julay ee sanadkii 2014, iyada oo dhammaan dhinacyada ay ka go’need in ay dhisaan maamul loo dhanyahay, wixii xiligaas ka dambeeyay, dhinacyada saxiixay heshiiska ayaa ka shaqeeyay dhib u heshiisiinta iyo hannaanka siyaasadeed ee lagu dhisayo maamul ku meel gaar ah oo gobolada dhexe loo dhiso.

Previous Post

Casho Sharaf London Loogu Sameeyay Agaasimaha Horumarinta Iyo Xiriirka Calamiga Ee Wasaaradda Warfafinta Hidaha Iyo Dalxiiska.(Sawirro)

Next Post

Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Lagu Soo Gabagabeynayay Todobaadka Dhir Beerista Soomaaliya

Next Post
Gudoomiyaha Baarlamaanka “Haweenka Soomaaliyeed Waan Ku Ammaanayaa Doorka Siyaasadda Iyo Hormarka Dalka Ku Leeyihiin” VIDEO

Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Lagu Soo Gabagabeynayay Todobaadka Dhir Beerista Soomaaliya

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In