Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beesha Caalamka oo Soo Dhaweysay Furitaanka Shirka Maamul u Sameynta Gobolada Dhexe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Beesha Caalamka oo Soo Dhaweysay Furitaanka Shirka Maamul u Sameynta Gobolada Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaramada Midoobay,IGAD, midowga yurub, AMISOM,Mareykanka, ingiriiska, Sweden, Italy, Ethiopia, Uganda iyo Turkey ayaa soo dhaweeyay shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud oo shalay galinkii danbe ka furay magaalada Cadaado.

Saaxiibada Beesha caalamka ayaa ku amaantay dadka gobolada dhexe soo gabagabeynta shirkii dib u heshiisiinta Dhusamareeb iyo sida ay uga go’antay in ay dalka ka dhacdo nabad iyo deganaasho.

Related posts

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026

“ tani waa tillaabo kale oo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca nabadda iyo dhisidda maamul goboleed ay leeyihiin dadka ku nool gobolada dhexe iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxa aan ka war sugeynaa natiijo guul ah oo ka soo baxdo shirka Cadaado, waxa aan dadka gobolada dhexe ku boorineynaa in ay dhistaan maamulkooda cusub,iyaga oo ku saleynayo mabaadii’da dib u heshiisiineed, aragti loo dhan yahay oo dadka dhan mideysa” ayey yiraadeen saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Saaxiibada beesha caalamaka ayaa madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ugu hambalyeeyay, kaalintiisa furintaanka shirka, waxeyna dhamman ka qeyb galayaasha shirka Cadaado ku booriyeen in ay meel iska dhigaan wax kasta oo dan shaqsiyadeed la xariira, si ay kor ugu qaadaan nabadda iyo dhismaha gobolka.

Saxiibada Soomaaliya ayaa sidoo kale dhammana dhinacyada kala duwan ku booriyay in ay guda galaan dhib u heshiisin miro dhal leh oo aas-aaska loogu dhisayo maamul goboleed ku-meel gaar ah oo xasilan,, waxaana saaxiibada Soomaaliya ay ballan qaadeen in bixinayaan taageerada si loo xaqiijiyo dhaqan gelinta natiijiyo waqtiyeysan oo shirka Cadaado ka soo baxdo.

“saaxiibada caalamiga ah ee Soomaliya, waxay ku faraxsan yihiin, sida shacabka iyo mas’uuliyiinta Ximan iyo Xeeb ay u marti geliyeen booqashadeydi Cadaado, ee 15-ki bishan Abriil, waxa aan awoodi karnaa in aan si toos ah ula socono dhinacyada kala duwan, booqashadu waxaa ay aheyd in aan caddeyno taageeradeena iyo kor u qaadidda arrimaha tanaasulka ah” sidaasi waxaa yiri wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay.

Heshiiska in maamulka gobolada dhexe loo sameeyo waxaa la saxiixay 30-ki bihsii Julay ee sanadkii 2014, iyada oo dhammaan dhinacyada ay ka go’need in ay dhisaan maamul loo dhanyahay, wixii xiligaas ka dambeeyay, dhinacyada saxiixay heshiiska ayaa ka shaqeeyay dhib u heshiisiinta iyo hannaanka siyaasadeed ee lagu dhisayo maamul ku meel gaar ah oo gobolada dhexe loo dhiso.

Previous Post

Casho Sharaf London Loogu Sameeyay Agaasimaha Horumarinta Iyo Xiriirka Calamiga Ee Wasaaradda Warfafinta Hidaha Iyo Dalxiiska.(Sawirro)

Next Post

Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Lagu Soo Gabagabeynayay Todobaadka Dhir Beerista Soomaaliya

Next Post
Gudoomiyaha Baarlamaanka “Haweenka Soomaaliyeed Waan Ku Ammaanayaa Doorka Siyaasadda Iyo Hormarka Dalka Ku Leeyihiin” VIDEO

Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Lagu Soo Gabagabeynayay Todobaadka Dhir Beerista Soomaaliya

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (M Hon. Mohamed Farah Nouh, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey...

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya xeebaha Puntland ee Soomaaliya. Tan...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

September 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibrahim Maxamad Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska...

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

September 6, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyay deegaanka Madax-maroodi ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Hawlgalkan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In